“Siilanyo, Imika Waa Madaxweynahaygii, Wax Baan Diiday Oo Aan Ku Saluugay, Taas Macnaheedu Maaha Waan La Coloobay”

0
835

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee ugu horeeyey Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa Xisbiyada Qaranka uga digay qabyaalada, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay si xor ah oo aanay caadifad iyo qabyaaladi ku jirin ay codkooda u siyaan Musharaxa ay u gartaan.

Cabdillaahi-jawaan  ayaa isagoo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ka hadlay sababta uu iskaga casilay xilkii la taliyenimo ee madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Doorashooyinkii dalka ka dhacay “Weynu ognahay inay Doorashadii inagu soo dhawday, laba bilood oo waliba wax dhiman ayaa inaga xiga, marka ay bishani dhammaato, wixii ka dambeeya ololihii baa bilaamaya, Dimuqraadiyada muddo dheer baynu soo wadnay, Doorashooyin badana weynu soo galnay, aftidii Dastuurka ayaa ugu horeeyey, oo 2001 baa la qaaday, Doorashadii Golayaasha Deegaanka oo 2002 ahaa ayaa ahaa kuwii inoogu xigay, Doorashadii Madaxtooyada oo 2003 ayaa inoogu xigtay, Doorashadii Barlamaanka ee 2005 baa ku xigay, Doorashadii Madaxtooyada ee dambe ee 2010 ayaa inoogu xigtay,  Doorashadii Golayaasha Deegaanka ayaa ugu dambeeyey, runtiina Doorashooyin badan baynu soo qabanay,markaas runtii waxay ahayd inaynu korno, oo umaddu korto oo Dimuqraadiyadu siday tahay loo raaco”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu baaq u diraayey Xisbiyada loolamaya iyo heerka qabyaalada  ayaa yidhi  “Meel wanaagsan baynu maraynaa, oo wax kasta waxa ka muhiimsan nabada, laakiin waxa ii muuqda ifafaale ah qabiil xad dhaaf ah, oo Xisbiyadii qabiil si qaawan ugu tartamayaan, oo dadkii lagu casuumayo reer hebel baa halkan galay, reer hebel baa halkan galay, Qabiilkuna wuu jira, oo dhaqanku qabiil wuu leeyahay, laakiin haddii qabiilka siyaasada la galiyo, wuu sumoobayaa, markaas waxaan leeyahay Siyaasada ha laga daayo Qabyaalada”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Musharixiinta Xisbiyada ayaa yidhi“Siyaasiyiin baa jira, nin waliba dan leeyahay, waxa jira lix musharax, oo lixduba yihiin inamadeenii, waa Raggii dalkan xaqa u lahaa, oo hawaystay inay dalka hoggaamiyaan, muwaadin kastana waxa ku waajib ah in ninka uu u arko inuu dalka wax u qaban karo si xoriyad ah oo caadifad qabiil ku shaqeeynayn, isagoo aan cadho ku shaqeeynayn, inuu codkiisa siiyo,oo uu arko inuu hebel dalkan hanan karo, oo uu hogaamin karo, oo uu isku hayn karo, iskuna wadi karo, reerna lama raaco, barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga ayaa la raaca, oo qofku danta wadanka ha eego, oo maslaxada ha eego, dadnimada ha eego”.

Cabdilaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasiyiinta Xisbiyada iskaga gudba ayaa yidhi “Siyaasiyiintu had iyo goor wey ka duwan yihiin dadka, waxayna had iyo goor ku sad qaatan oo wey cadhoodan, oo Xukuumadda markaas joogta haddii ay u arkaan inay wax garab marisay ama aanay meel u dhiiban, ama uu u arko in aanu door muhiim ah ku lahayn wuu ka leexda, oo Mucaarad buu noqon kara, Muxaafidna wuu noqon karaa, laakiin cayda iyo is ka hor keenka iyo masabadiku wey inaga caagan yihiin, markaas waxaan leeyahay Siyaasiyiinta wax caaya, ama cid balaayo ku sheegaya ama fidno ku sheegaya, maaha wax meesha yaala, ha yidhaahdo barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga ayaan hebel kala leexday, laakiin hebel baa balaaya, hebel baa xun ee yaan la raacin ha laga daayo, waxaad arkaysaa nin shalay nin uu dhinac boodayey, oo lahaa hebel waa geesigii, aan godob lahayn, maantana leh balaayo ayuu dhigayaa, dagaal buu ridayaa, sidaasi ma wanaagsana”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey is casilaadisii ayaa yidhi “Anigu dawladda waan khilaafay, wax baan diiday, wax baan saluugay, waan ka tagay, waan is casilay, Guddidii Fulinta ee Xisbiga Kulmiye waan ka baxay, sababta aan isku casilayna, waan sheegay, oo wax baan bandhigay, qayb baan idhi waan soo saarayaa, balse qaybtii waan joojiyey, waayo haddii aan wixii soo bandhigo umaddeenu uma  adkaysanayno, markan qiyaasayna faa’iido kama dhalan karto, markaas waan joojiyey, Madaxweynaha haddii aan wax isku khilaafnay, waan ka tagaya, laakiin waa Madaxweynihii,ixtiraam baan u hayaa, hawsha qaranka gacan baan ku siinayaa, Cigaal baan ka tagay, oo kulama shaqeeynayo ayaan yidhi,Mucaarad ku noqo ayaa la yidhi, kuma noqonayo ayaan idhi, dadkii wey ila yaabeen,  Siillaanyo imika waa Madaxweynahaygii, waxbaan diiday oo aan ku saluugay, taas macnaheedu maaha waan la coloobay, markaas nimanka Siyaasiyiinta ah ee kolba Xisbi ku wareegaya, ee kolba XIsbig ku biiray, oo Xisbi uu maanta aad u caayey, beri ku biiraya, maaha wax wanaagsan, ee qofku waa inuu damiir yeesha, oo mab’da yeesha, ee waxaan leeyahay Ragga caytamaya, cayda daaya, ee beri baa la isku iman, oo ninkii soo baxaaba, waa inankeenii, saddexda Musharaxa ee ku tartamaya Madaxweynaha, saddexduba waa inamadeenii, Musharixiinta Madaxweynena waa inamadeenii, ee kii ku guulaysta ha loogu duceeyo, oo xajiimaynta meesha ha laga saaro”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararka in badan baa laga cabanaayey, oo dhibaato ayaa jirta, oo dhaqaale xumo ayaa jirta, laakiin imika dhoofkii xoolaha ayaa inoo furmay, ee cida ku shaqada leh waxaan leeyahay dadka ha loo tudho, oo dadka yaan macaash badan oo xaaran kugu noqonaya laga qaadin, Xukuumadduna wixii ay ku yarayn karto sicir bararka ha ku dadaasho, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe”

Cabdilaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey dadkii reer Somaliland ee lagu laayey Itoobiya ayaa yidhi “ALLE Samir iyo imaan ha inaga siiyo dadkaas dhintay,oo ha u naxaristo,  dhan walba ha ku dhinteene,umadda Somalida iyo umadda Oromodu waa umaddu isku deegaan ah, waxa inaga dhexeeya diin, dadnimo, darisnimo iyo deegaan ahaan oo aynu iskugu dhawnahay, si kasta waa la iskugu baahan yahay, foolxumadaas dhacday, ee ah dilka, Dawladda dhexe ee Itoobiya iyo Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiyaba, waxaan kula talinayaa inay gacan adag wax kaga qabtaan, oo aan loo naxiirsan wixii umadda aafo dhex dhigaya, marka qoomiyad la yahayna Oromo, waa Oromo, Somalina waa Somali, marka waxaan leeyahay wixii Somali ah,  dareenka Somalinimo,  idinka oo midaysan, deegaanka aad joogtan, Deegaanka jig-jiga, ee Cabdi Maxamuud  Cumar idin hogaaminayo, mid ahaada, arintana Somalidii kala jeeday wey isku soo jeedisay, ta kale waxa la lahaa qaad baa la sumeeyey, adduunka waa ka mamnuuc in wax la sumeeyo, markaas in dadka la wacyigeliyo oo shuruucda dalka la ilaaliyo, oo aan waxba la yeelin dadka masaakiinta ah ee dalkeena ku nool, oo dalkoodi ha lagu celiyo, xafiiska socdaalka iyo Xukuumadduba wey wadaan inay dadkaas qaadan, oo deegaankoodii ayaa lagu celiyo,dadka sharci darada dalka ku jooga”.