“Siilaanyo Maalintuu Wakhtigu Ka Dhammaado Hadday Doorashadu Dhici Weydo, Albaabka Ayuu Ka Baxayaa, Tii Rayaale Ayuun Baa Dul Taagan”

0
517

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu ka warbixiyay kulamo uu la soo qaatay beesha caalamka ee doorashooyinka ka taageerta Somaliland.

Waxa uu guddoomiye Faysal Sheegay in dagaaladda lagula jiro Al-shabaabta koonfurta Somaliya inay Somaliland khatar ku tahay lagana yaabo in in badan dhanka Somaliland ay u soo dhaqaaqaan. Waxa uu guddoomiye Faysal mar labaad ku celiyay in aan maalin loogu dari doonin madaxweyne Axmed Siilaanyo marka uu mudo xileedkiisu dhamaado, isaga oo sheegay in hadii ay doorashooyinku  qabsoomi waayaan dalku uu gali doono dawlad loo dhan yahay oo aan xisbi kaliyaata ahayn.

Waxaanu arimahan guddoomiyahu kaga hadlay madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa isaga oo arimahas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan maqnaa ilaa 13 maalmood waxaanan soo maraydalalka Itoobiya, Kiniya iyo Tansaaniya, socdaalkayguna waxa uu ahaa inaan la soo kulmo beesha caalamka, muhiimad ugu weyna waxay ahayd inaan ka raaridno diiwangalinta doorashada oo baryahanba saddexda xisbi, komishanka iyo dawladu ka wada shaqaynayeen kuma heshiinay hab loo sameeyo. Waxaanan tagay aniga oo saddexda xisbiba matalaayay. Go’aankii aanu wada saxeexnay saddexda xisbi,komishanka iyo wasaarada arimaha gudahana waan u geeyay beesha caalamka, waxaanan u sheegay beesha caalamka in kubadu hadda dhankooda taalo, waanay inoo balan qaadeen inay hawashaas bilaabayaan.”

Eng.Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Arimahaas oo dhan ayaan u tagay warbixin fiican waan hayaa oo insha allaah dawlada iyo asxaabtana waan la wadaagi doonaa,waxaanse leeyahay inaga ayaa dunidii ka go’nay meesha laylsa maraayo iyo halka layna marinaayo maba ogin, waxaad moodaa in aynu mafrashyadii ku koobanahay,waxaa loo baahan yahay in dadka la baraarujiyo oo la mideeyo dunidana la dhex galo, waad ogtihiin Al-shabaab weerar ayaa lagu qaaday waxaana laga yaabaa in ay dhankeena u soo yaacaan, markaas arimo badan oo xaassaasi ah ayaa jira.Waxaan halkan rabaa inaan ka hanbalyeeyo madaxweynaha oo tagay gobalada bariga, waxa iigu danbaysay isagoo Laasqoray tagay, arintaasina arin habsaantay ayay ahayd, laakiin waxa fiicnayd intaanu tagin in uu maamul ka sii sameeyo oo sharcigaagu ka socdo oo ciidaamadaadu joogaan horumarna aad gayso, dadka barigu aad ayay dibada u geeyeen dacwadahooda, waxaana u badan oo dacwadahaas geeyay in aan Somaliland bariga awoodii waxba ka siin dhaqaalihii waxba ka siin, kuwaas oo uu hadda garaacayo Cabdiwali Gaas oo uu leeyahay dadkaas isku ehel ayaanu nahay, waana waajib qaran in madaxweynuu uu soo siyaarto dhulkaas Somaliland, waanay fiicnayd.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo warbaahintu waydiisay halka ay ka taagan yihiin mudo kordhin xileed oo loo sameeyo madaxweynaa waxa uu yidhi“Siilaanyo maalintuu wakhtigu ka dhammaado hadday doorashadu dhici weydo albaabka ayuu ka baxayaa, sow maanu odhan jirin Rayaale ha ka baxo, sow umaanu diidi jirin in sanad la kordhiyo tii uunbaa dul taagan, waxa la samaynayaa dawlad kumeel gaadh ah oo aan Kulmiye ahayn,laakiin kordhis danbe ma jiro oo guuritidii ayaa xaaran ku fadhida,wakiiladii ayaa xaaraan ku fadhiya,hadday dawladuna xaaran ku noqoto wada xaaran ayaynu noqonaynaa.”