Sigaar Nuugistu Waxa Ay Keentaa Cudurro Nafsadeed Oo Uu Ka Mid Yahay Khalkhal Ku Dhaca Maskaxda Qofka

25
2960

Helsinki (Geeska)- Saynisyahanno ka tirsan akademiyadda sayniska ee dalka Findlaand ayaa baadhiso cilmiya oo ay sameeyeen ku ogaaday natiijo caddaynaysa in uu xidhiidh ka dhexeeyo sigaar nuugista iyo cudurrada nafsiga ah ee dadka ku dhaca. Daraasaddan oo sannado badan socotay waxa ay saynisyahannadu tijaabadeeda ka qaadeen dad tiradoodu ka badan tahay 6 kun, oo ay muddo la socdeen xaaladahooda nafsiga ah iyo xidhiidhka ka dhexeeya habdhaqannadooda aan habboonayn caafimaad ahaan iyo xaaladdooda nafsiga ah, sida hurdo yaraanta iyo sigaar nuugistu raadka ay qofka caafimaadkiisa nafsadeed ku yeelan karaan.

Waxa ay daraasaddu iftiimisay in dadka sigaarka ay maalintii nuugaan uu gaadho 10 xabbo, haddii dhowr sano ay sidaas ku wadaan ay khatar u yihiin in ay ku dhacaan cudurrada nafsadda ee ay ka mid yihiin cudurka Schizophrenia oo ah khalkhal maskaxeed oo keena in habdhaqanka qofku uu noqdo mid aan caadi ahayn, kuna adkaato in uu xaqiiqada fahmo, iyo cudurro kale oo la mid ah.

Xeeldheereyaasha daraasadda sameeyey waxa ay caddeeyeen in mariidka / suntan joogtada ah ee qofka ka soo gaadhaysa qiiqa sigaarka uu nuugayaa ay raad masiibo ku ah caafimaadka kaga tagto habddhiskiisa neerfeed, wadnihiisa iyo xididdada dhiigga, waxa aanay u dhow dahay in ugu dambaynta ay keento asaasaq iyo in xusuustu ay qofka ka lunto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here