Sigaar Nuugista Afurka Kadib Waxa Ay Kordhisaa Khatarta Wadne Xanuunka

0
613

Istanbul (Geeska)- Dr. Qagan Qawlan oo ah maamulaha waaxda cudurrada wadnaha ee kuliyadda caafimaadka, jaamacadda Giresun ee dalka Turkiga ayaa ka digay I sigaar nuugista afurka kadib toos loo bilaabaa ay keenayso khatar intii hore loogu ogaa ka sii daran oo ah wadne xanuun iyo cudurrada xididdada dhiigga ku dhaca.

1

Qawlan oo arrintan ka sii hadlaya ayaa warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waxa uu yidhi, “Dadka xilliga Ramadaanka isla marka ay afurka dhameeyaan durbadaba shita sigaarku  waxa ay halis u yihiin xanuun gariir ku keena jidhkooda,  weliba si gaar ah gar-gariir ku dhaca lugaha iyo cagaha hoose, sidoo kale waxa ay isku arkaan madax xanuun daran iyo dawakhaad” Khabiirka oo arrintani sida ay ku dhacayso cilmi ahaan sii sharraxaya, ayaa intaas ku sii daray, “Marka qofku uu cabbo sigaarka oo soonka aawadii uu muddo dheer ka af xidhnaa, waxa uu jidhku isla markaba gala difaac, waxa aana mar keliya wada hawlgala dhammaan qaybaha kala duwan ee difaaca jidhka”

Dr. Qagan Qawlan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Sigaar cabbista Ramadaantu waxa ay dhaawac weyn gaadhsiisaa derbiyada xididdada dhiigga, weliba si ka khatarsan dhaawaca laga yaabo in sigaar cabbistu ay sannadka oo dhan jidhka qofka gaadhsiin karto” Dr, Qagan waxa uu sheegay in ay jiraan cilmibaadhiso kale oo iyaguna iftiiminaya in tirada dadka wadne xanuunka u dhintaa ay kordho bisha Ramadaanka inta lagu jiro, sababtuna ay tahay sigaarka qiijintiisa oo soo dedejisa khatarta wadne xanuunka. Ugu dambayntiina waxa uu khabiirku fursaddan uga faa’idaystay talo uu dadka ugu soo jeediyey in ay bisha Ramadaan uga faa’idaystaan sigaar joojinta.