Sigaar Nuugista Aabuhu Waxa Ay Ubadkiisa Ku Abuurtaa Xaalad Aanu Jidhka Ilmuhu ka Faa’idaysan Karin Dawooyinka

0
604

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa ka digtay in sigaar nuugsita aabuhu ay yarayso awoodda uu jidhka ilmuhu u yeelanayo ka faa’idaysiga dawada, gaar ahaan dawooyinka Antibaayootigga ah.

Cilmibaadhe ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in tijaabooyin kala duwan oo jiir lagu sameeyey lagu ogaaday raadadka taban ee sigaar nuugista aabuhu ku yeelan karto ilmihiisa. Taas oo ah in ilmaha uu dhalo aabe sigaarka nuuga jidhkiisu uu awood yar u leeyahay ka faa’idaysiga dawooyinka Antibaayootigga ah iyo xitaa dawooyinka kiimikaad ee kansarka lagula tacaalo, marka la barbar dhigo ubadka ay dhaleen aabayaal aan lahayn caadadan aan fiicnayn ee sigaar nuugista.

Dr. Oliver Randa oo ah bare-sare oo cilmiga Kiimikada Noolaha ka dhiga jaamacadda Massachusetts isla markaana hormuud u ahaa xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa isaga oo natiijadan ay gaadheen ka sii faalloonaya waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Cilmibaadhistu waxa ay tilmaamaysaa in carruurta ay dhaleen aabayaal sigaarka nuuga (Maadadda Nicotine jidhkooda gasho) ay ubadkooda dhaxalsiiyaan dhallan-geddis hidde-side oo jidhkooda ku abuura awood ka dhan ah dawooyinka”