Sidee Ayuu Wasiir Cabdillaahi-Dheere U Arkaa Baadhitaanka Wasaaradiisa?

0
645

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ka hadlay baadhitaan ay Wasaaraddiisa ku sameeyeen  Guddida Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaanu sheegay inay caadi tahay oo wax dhib ahi aanu ku jirin in  Guddida Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa,Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaraddaha kaleba ay baadhaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sida uu u arko baadhitaanka lagu sameeyey Wasaaradda Waxbarashada, ayaa sheegay inuu safar ku jiro, balse Masuuliyiinta kale ee Wasaaraddu ay joogaan, isla markaana Guddida Maamul Wanaagu waajibkoodii ka guteen, oo ay baadhis ku sameeyeen Wasaaraddam waxaanu yidhi “Anigu ma joogo Magaalada,  waan maqan nahay, oo safar shaqo baan ku jiraa, balse Masuuliyiintii kale ee Wasaaradda ayaa jooga, Komishanka Maamul Wanaaguna wey yimaadeen Wasaaradda, in wax la baadhana wax dhib ah oo ku jiraa ma jirto, haddii wax la baadhayana anigu dhibaato uma arko, ee waa loo baahan yahay,”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko wareegtada Madaxweynaha ee ah in baadhis lagu sameeyo Hay’addaha iyo Wasaaraddaha dawladda, ayaa yidhi “Madaxweynuhu mar walba wuxuu doonayaa inay wax inoo hagaagan, xaqna uu u leeyahay inuu yidhaahdo ha la baadho Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga ah, markaas anaga waxa nagu waajib ah mar walba in aanu umadda si daacadnimo ku dheehan tahay ugu shaqeeyno, xilka iyo waajibka qaran ee na saarana si fiican aanu u gudano”.