“Sida Uu Distoorku Dhigayo, Waa In Saxaafadda La Ixtiraamaa”

0
957

Cabdillaahi Geel-Jire

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire),oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyana ka soo qabtay xilal Wasiirnimo ayaa sheegay in Dastuurku Somaliland aanu ogolayn in xoriyada Saxaafadda meel lagaga dhaco.

Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xoriyada Saxaafadda Dastuurka ayey ku qeexan tahay, waa Xeer ka mid ah Dastuurka, qodobka Saddexaad ee Xeerka Saxaafadda ee Dastuurku wuxuu dhigayaa xorriyadda saxaafadda waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ixtiraam iyo xishmad ka mudan tahay dalkan Somaliland gudihiisa. Saxaafadda cabudhin lagulama kici karo, markaas mar haddii Dastuurkeenu dhigayo xoriyada saxaafadda, waa in la ixtiraama madax banaanideeda,dalkuna madaama uu yahay dal Dimuqraadiyada, waa in Saxaafaddana xoriyadeeda la ilaaliyaa oo aan la cabudhin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here