Sida Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Uu Maamuluhu Ula Dhaqmo Shaqaalihiisa Ka Aqoonta Iyo Waayoragnimada Badan (Q.2aad)

30
3348

Hargeysa (Geeska)- Haddii uu maamulaha da’da yari doonayo in uu isku darsado intaas ku jirta shaqaalaha da’da weyn iyo inta isaga ku jirta, oo uu sidaas ku noqon karo maamulaha ugu fiican, waxaa la gudboon in uu qaato talooyinka.

Si gaar ah u warayso, shaqaalaha muddada dheer joogay, tusaale ahaan toban sano iyo ka badan. Waxa ay u soo joogeen isbedello badan, waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufo kala duwan, waxa aanay ogyihiin sida wax ahaan jireen iyo isbeddelka imika jira. Waxa ay fahamsan yihiin waxa meesha shirkadda ama hay’addu u xooggan tahay iyo meelaha wanaajinta iyo dib u habaynta u baahan, waxa kale oo ay kuu sheegi meelaha aan abidba wax laga beddelin ee imika kuu dihin in aad horumar ka samayso.

Ha ka xishoon in masuuliyiinta aad maamusho ee aad ku aragto maskax furnaantai yo shaqowanaagga inaad weydiiso aragtiyahooda iyo fikirka ka dhex guuxaya. Waxa ay tallaabadani inta badan keentaa in ay ku dhiirradaan in ay kuu iftiimiyaan dhibaatooyinka iyo cabsida jira ee u baahan in wax lagu qabto, kuwaas oo laga yaabo in aanay adiga maskaxdaada marka hore ku jirin.

Haddii dhibaatooyinka ay sheegayaan qaarkood u muuqdaan kuwo wax ka qabashadooda aanad ku filnayn, iyaga ka faa’iidayso oo u dir in ay xal raadiyaan ama ugu yaraan ka soo talabxiyaan. In aad shaqaalahaaga wax weydiisaa ma tusayso ceeb aad leedahay, balse waxa ay ku abuuraysaa dareen ah in aad tahay ruux isku kalsoon. In shaqaalaha aad sidan ula shaqayso macnaha looga jeedaa ma’aha in aad ku dhex milanto. Iska ilaali in sheekada aad la wadaagaysaa ay ka baxdo xayndaabka aad doonaysay ee shaqada iyo wanaajinteeda khuseeya. Kala hadal keliya arrin aad ogtahay in xal u raadinteeda aad wax ka qaban karto. Waayo waxaa dhacda in shaqaale badani marka aad waxweydiiso ay uga faa’iidaystaan in ay dano shakhsi ah iyo dhibaatooyin aan waxba laga qaban karin oo yaalla kuu tiriyaan.

Ixtiraam Tus

Iska ilaali in aad u dhaqanto sida ruux difaac ugu jira ilaalinta mansabkiisa, ha isku dayin in aad mansabkaaga sidan u ilaaliso, sida oo kale iska ilaali in shaqaaluhu kuu fahmaan in aad difaac ugu jirto mansabkaaga oo aad iyaga uga baqanayso. Sidan oo aad u dhaqantaa waxa ay dilaysaa kalsoonida iyo iska raalli ahaanshiyaha adiga iyo shaqaalaha aad maamulayso. Waxa ay hoos u dhigaysaa caawintii iyo iskaashigii aad uga baahnayd oo aad ka weydo.

Ku dadaal in shaqaalahaagu ay kaa arkaan anshax, macaamilo wanaag iyo ixtiraam aad u hayso iyaga. Mar kasta niyadda ku hay in aqoon, waayoaragnimo iyo xirfad kasta oo aad leedahay aanay kelideed kugu filnaanayn. In aad ku biiriso aqoonta iyo waayoaragnimada shaqaalahaaga ayaa ah sida ugu fiican ee aad hore ugu socon karayso.

Ugu dambayn, in aad hoggaamiyso shaqaale shaqada kaaga waayoaragnimo iyo aqoon badani waxa ay kugu abuuraysaa xaalad cabsiyeed oo nafsi ah. laakiin marka aad u aragto in ay yihiin il aad ka heli karto aqoonta iyo waayoaragnimada, waxa ay kuu horseedi doontaa in aad si dhab ah u noqoto hoggaamiye awood iyo karti badan leh. Dhammaad.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here