Sida Ugu Habboon Ee Aad Ku Garan Karto In Ilmahaaga Uu Hayo Madax Xanuun Dhan Jaf Ahi

0
571

1Berlin (Geeska)- Ururka dhakhaatiirta carruurta iyo da’ yarta ayaa warbixin ay dhowaan soo saareen wax yaabaha ay kaga hadleen waxaa ka mid ahaa sida uu waalidku ku garan karo ilmihiisa dhanjafku hayo, xaaladdan oo sida warbixinta lagu sheegay ka mid ah xaaladaha garashadeedu aad ugu adag tahay guud ahaanba waalidka.

Warbixinta daladdan Jarmalka ahi wawxa ay sheegtay in calaamadaha lagu garto madax xanuunka dhinaca ahi, aanay inta badan caddayn, sidaa awgeed laga yaabo in aanay waalidiintu garan in ay sababtoodu tahay xanuunkan, waxa aana ka mid ah; Yalaalugo, matag, calool xanuun iyo in uu u dulqaadan kari waayo ilayska, buuqa iyo urta aan fiicnayn midna, dabcan waxaa intaas sii dheerina waa madax xanuun.

Madax xanuunka dhan Jafka ah ayaa inta badan lagu yaqaannaa in qofku uu xiiseeyo in uu jiifsado qol mugdi ah, sidaa awgeed waxa ay warbixintani kula talinaysa waalidiinta in haddii calaamadahaas aynu kor ku soo xusnay ay ku arkaan ilmaha ay dhaqso ula xidhiidhaan dhakhtar.

Warbixintu waxa ay iftiimisay in xanuunnkani uu mararka qaarkood si kedis ah qofka ugu bilowdo marka uu hurdo, mararka qaarkoodna ay sababaan waxyaabo kale, sida cuntooyinka qaarkood, isbeddelka cimilada, xawaaraha wareegga dhiigga ee sare iyo hoose oo aad u kala sarreeya iyo acsaabta oo kacsanaata.

Ugu dambayntii waxa ay warbixintu sheegtay in inkasta oo madax xanuunka dhan-jafka ahi uu ilmaha awoodda ka qaado, haddana warka fiicani uu yahay in la daweyn karo haddii dhakhtar loo geeyo.