“Sida Ay U Muuqato Doorashadu Dib Ayey U Dhacaysaa”

0
973

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay ajandaha kal-fadhigoodan, iyo xeerka Doorashada ee ku jira, waxaanu tilmaamay in Gole ahaan ay diyaar u yihiin inay ka doodan, isla markanaa wixii waajibaadkooda ah ay ka gutaan, waxaanu xusay in aanay Doorashadu dhici karin ilaa iyo inta uu taagan yahay khilaafka Xisbiyadu.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Ajandaha kal-fadhigayga Doorashadu wey ku jirtaa, mar haddii ay ku jirtana waa laga doodayaa, anagana waxaa wajiib ah ee na saarani waa wixii shuruuc ah ee ku xidhan doorashada, in aanu diyaarino, macnaheeduna maaha  waa laga heshiinayaa, oo Xisbiyada ayaa ka heshiinaya, laakiin sida ay u muuqato Doorashadu dib ayey u dhacaysaa, haddii aanay intaas sii heshiinin  heshiinin Xisbiyada”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Garsoorka iyo Maxkamaddaha, waxaanu ugu baaqay inay ilaaliyaan cadaalada, oo aanay iska xukumin xukun aan ka fiirsi lahayn, waxaanu shardi daro ku tilmaamay xukun dhawaan lagu riday ilaa afar qof, waxaanu sheegay in cadadka lacagta ee lagu xukumay iyo muddada xadhigooduba ay cadaalad daro yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here