Sida Aad Cadarka U Marsato Ayaa Ay Ku Xidhan Tahay Muddada Ay Urtiisu Sii Jiraysaa, Halka Aad Dhigto Quraaradda Cadarkana Waxaa Ku Xidhan Madhxiddiisa

196
9811

(Geeska) – Hadba sida aad cadarka isugu shubto ayaa ay ku xidhan tahay muddada ay urtiisu sii jiri karto oo u dhexeysa 5 daqiiqo iyo dhowr saacadood. Warbixin arrintan la xidhiidha oo ay Shabakadda Alcarabiya baahisay ayaa aynu ku eegaynaa talooyinkan ay xeeldheereyaashu arrintan ka bixiyeen:

Afar meelood oo ay tahay in aad cadarka ku shubto

Waqtiga ugu fiican in cadarka la isku shubaa waa marka aad jidhka mariso kiriimada dufanka ama qoyaanka leh. Kiriimka duxda lihi waxa uu lagama maarmaan u yahay in cadarka urtiisu ay maqaarka muddo ka sii urto. Meelaha ugu fiican in cadarka lagu shubana waxaa ka mid ah qaybta dambe ee qoorta (Dhinaca dhabarka xigta), suxulka oo ah dhinaca gudaha ee uu u laabmo, mataanaha gacanta iyo baabacada dhabarkeeda (Fanaxa) iyo halka ay iskaga xidhmaan gacanta hore iyo dhudhunka gacanta ee ay dadka qaar ‘Xididdaley’ u yaqaannaan.

Nooca saabuunta iyo shaambooga aad isticmaalayso

Waxaa fiican in saabbuunta, shaambooga iyo xitaa looshinka iyo kiriimada aad marsanaysaa ay noqdaan kuwo la ur ah cadarkaaga, ama ugu yaraan aad ugu soo dhow. Waxa ay caawinaysaa in cadarkaaga urtiisu ay jidhka qabsato iyo in ay muddo maalinta oo dhan ah sii jirto. Waxa kale oo aad samayn kartaa in halka aad la damacsantahay in aad cadarka ku shubto, marka hore aad mariso kiriim dufan leh ama faasliin, kaddibna cadarka mariso. Waxa ay keenaysaa in urta cadarku ay muddo sii jirto.

Ha isku xoqin labada gacmood

Xeeldheereyaasha qurxintu waxa ay adkeeyeen in qofku uu iska ilaaliyo in marka uu cadarka ku shubo labada dhudhun ee gacmaha uu isku xoqo. Isku xoqiddaasi waxa ay kaxaysaa urta dabiiciga ah ee cadarka. Waxa kale oo ay ay sababi kartaa xasaasiyad jidhka ku dhalata cadarka aad loogu xoqay ee la falgalay awgii.

Cadarka iyo timaha

Cadarrada qaar ayaa ah kuwo samays ahaan loogu talagalay timaha, laakiin waxa aad ogaataa in cadarkaaga caadiga ah ee jidhka laftigiisa aad marin karto timaha, gaar ahaan timaha dheer ee la rabo in urtu dhexgasho. Laakiin, waxa ay khubaradu ka digeen in cadarka jidhka si toos ah timaha joogto loogu buufiyo, waayo waxa uu ku keenaa ingag iyo duxda oo ka tagta, taasina waxa ay khatar ku tahay caafimaadkooda.

Cadarka halkee lagu kaydiyaa

Haddii aad doonayso in cadarkaagu uu muddo ku hayo, waxaa laguugula talinayaa in aad dhigto meel ka durugsan ilayska, isla markaana qabow xigta oo aanu jawigeedaas qabowga xigaa is-bedbeddelin. Waxa aad ka ilaalisaa in isbedbeddelka heerkulku uu ku dhaco, oo kulaylka iyo qabowgu ay isu weydaartaan.

Iska jir in cadarkaaga aad dhigto rakada alaabta la saarto ee suuliga, waayo kulaylka, qoyaanka iyo ilayska oo u dhaca cadarku waxa ay sababtaa in ay furfurmaan waxyaabihii uu ka koobnaa cadarku, taas oo keenaysa in urtu ka tagto ama tayadeedu daciifto.

Quraaraddaada cadarka ahi ha ku jirto kabadhka ama tallaagada, si urteedu aanay u guurin, isla markaana ay tayadiisu u fiicnaato oo ay quraaraddu muddo ku hayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here