Sicir Bararka Dalka Ka Taagan Oo Saameeyay Nolosha Shacabka Iyo Xukuumadda Oo U Muuqata Inay Dhayalsanayso

0
548

Hargeysa(Geeska)-Sicir bararka ba’an ee dalka ka taagan ayaa u muuqda inuu saameeyay guud ahaan nolosha shacabka Somaliland, iyadoo la dareemayo inaanu kor u kac mooyee hoos u dhac lahayn muddooyinkan dambe.

Sicir bararka ayaa wuxuu saameeyay quutal daruuriga iyo adeegyada kale ee bulshada, waxaana isbedelay qiimaha dhammaan quutal daruuriga iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolosha bini-aadamka. Tusaale ahaan qaybo ka mid ah caasimadda Hargeysa ayaa basaska xaafadaha u kala gooshaa waxay kordhiyeen qiimihii lagu raacayay, gaar ahaan basaska xaafadaha idaacada iyo xero-awr, waxaanay basaslayaashu ku doodeen inay qiimaha kordhiyeen ka dib markii ay wax kastaa sare u kaceen, waxaana shalay haawanayay istaanka basaska ee Idaacadda oo shaqo joojin ka dhalatay qiimaha sare u kacay ay sameeyeen basasku.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah darawaliinta baabuurta basaska ah, waxaanu mid ka mid ah darawlada oo saxaafadda la hadlay sheegay in shidaalku ku qaali  garoobay taas oo sababtay inay qiimaha kordhiyaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inaanay culays saarin basaska shaqada joojiyay ee ay nolosha sicir bararka wax ka qabato.

Waxyaabaha kale ee quutal daruuriga ah sida shaaha, quraaca, saambuusaha, buskudka iyo baalashka ayaa waxa ku kordhay qiime dhan 500 oo shillinka Somaliland ah, taas oo muujinaysa saamaynta nolosha ee sicir bararka. Hudheelada cuntada ayaa waxa ay iyaguna kordhiyeen qiimihii lagaga cuntayn jiray oo ay cunto kasta oo ay iibiyaan ku kordhiyeen lacag u dhaxaysa 1000-2000 oo lacagta Somaliland ah.

Tukaamada laga adeegsado ayaa iyaguna waxay kordhiyeen qiimaha alaabta quutal daruuriga ah ee ay iibiyaan.

1. Biyaha yaryar, waxa lagu kordhiyay 500 (Shan boqol)

2. sharaabka waxa lagu kordhiyay 500 (shan boqol)

3. Sonkorta, halka kiiloo waxa lagu kordhiyay 1000 (Kun shilin)

4. Baastada halka Kiiloo waxa lagu kordhiyay 1000 (Kun shilin)

5. Buskudyada oo kala duwan waxa lagu kordhiyay 500 (Shan boqol)

6. Daasadda caanaha ah ee waaweyn waxa lagu kordhiyay 1 dollar

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u muuqata in aanay haynin wax xal ah oo wax lagaga qabanayo sicir bararka saameeyay nolosha, waxaana u muuqda inaanay daawo noqon amaro uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray oo uu wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi saxaafadda u akhriyay, kuwaas oo ay xukuumadu aaminsanayd inay xal u noqon doonaan sicir bararka.