Si Kasta Oo Nadaafadda Barkinta Loo Ilaaliyo, Isticmaalkeeda Laba Sano Ka Badani Waxa Uu Keenaa Dhibaato Caafimaad

0
739

London (Geeska)- addi aad sanboor isku aragto, ama mararka qaarkood uun aad is aragto iyada oo uu duuf kaa da'ayo xilli aan waqtiyada ay xasaasiyaddu kacdo, ama uu si joogto ah kugu dhaco hargabka iyo indhaha oo ku casaada, waxa aad dib u tirisaa muddadii aad isticmaalaysay barkimada sariirta kuu saaran, waayo iyada ayaa ka mid ah sababaha arrimaha noocan ahi ku yimaaddaan.

Sida ay culimada caafimaadku sheegayaan waxaa dhacda in boqollaal xasharaad iyo baalley qaarkood aanay ishuba qaban karin ahi ay ku digeeyaan barkimada iyo xitaa meelaha kale ee gogosha iyo gurigaba ka mid ah. Sidoo kale waxaa barkimada ku urura boodhka oo si aanay ishu arkayn ugu hadha.

Cilmibaadhis uu Geeska Afrika turjumay oo laga soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in cilmibaadhayaashu ay ogaadeen in barkimada haddii muddo laba sano ah la isticmaalo, uu boqolkiiba 10 ka mid ah miisaankeedu uu noqdo boodhkii ku ururay iyo unugyada dhintay ee maqaarka qofka ku seexda, iyada oo sida la og yahay kumannaan unug ay maalin kasta ka dhingtaan unugyada maqaarka oo ku beddesha kuwo cusub. Hadhaaga iyo qashinka unugyadaas dhintay ayaa habeenkii iyo xitaa maalintii haddii barkimada lagu jiifsado ku hadha, ka dibna ku ururo oo illaa hoosta gaadha.

Dr. Lisa Okirla oo ku xeeldheer caafimaadka guud, ayaa sheegtay in dhibtu aanay ahayn cayayaanka yaryar balse ay tahay digadeeda oo uu ku jiro dheecaan dadka dadka qaar ku keena xasaasiyadda.

Dr. Lisa waxa ay ka digtay in hadhaaga digadaas oo qofka ka soo raacda barkimadu haddii uu sii bato uu sababi karo xanuunnada neefta ee xiiqdu ka mid tahay, iyo sidoo kale in sanku cabudho ama duuf badan yeesho, ka hooro, cun-cun joogto ah iyo ilmo indhaha ka hoorta. Sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku uu ku dadaalo in uu barkimada iska beddelo ugu badnaan labadii sano hal mar. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in muddada la isticmaalayana si joogto ah loo nadiifiyo, iyada oo lagu qallajinayo kulayl mishiin oo aad u kulul ama qorraxda la dhigay, si looga takhaluso hadhaaga dulinka ka dhalan kara unugyada dhintay iyo digada cayayaanka, oo ay khubaradu sheegeen in ay qoyaan aad ugu badato.

Waxa kale oo ay xeeldheerayaashu ku talinayaan in la iska ilaaliyo in dharka la maydho lagu qallajiyo meel dadan, iyaga oo sheegay in ay fiican tahay in dharka la maydhay loo dhigo qorraxda si ay uga ilaaliso in bakteeriyadu ku korto qoyaankaas.

Daraasaddan ayaa timid, kadib markii ay si run ah u dhacday in gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo aad uu maqalku aad u daciifay, shaybaadhadii lagu sameeyey xaqiijiyeen in saxarada/digada xasharaadkan.