Si Aad Jeermiska Gurigaaga Cuntadaaga Uga Fogeyso Toddobaad Kasta Beddelk Suufka Aad Weelka Ku Xalato

10
1040

Berlin (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Jarmalka oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa ku talisay in ay lagama maarmaan tahay in suufka iyo buusha weelka lagu facso toddobaad kasta la beddelo, la iskana jiro sida ay dadka qaar yeelaan in muddo la haysto. Waxa ay daraasaddu sheegtay in buushkan ay ku ururto jeermis aad u tiro badan oo cudurro khatar ah qofka ku keeni karta.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Württemberg ee dalka Jarmalka ayaa natiijadeeda sabtidii toddobaadkii hore lagu baahiyey Joornaalka Scientific Reports ee ka faallooda arrimaha caafimaadka. Waxa aana lagu sheegay in shaybaadh la isku barbar dhigay buushka weelka lagu xalaa marka uu cusub yahay iyo marka toddobaad ka badan la isticmaalay, iyada oo ay u soo baxday in buushka facsidda weelka ee la isticmaalay ay ku dul nool yihiin in ka badan 362 nooc oo ah jeermiska kala duwan ee cudurrada keena. Waxa kale oo uu shaybaadhku muujiyey in hal sentimitir oo keliya oo ka mid ah buushkan muddada dheer la isticmaalay ay ku nool yihiin Balaayiin dulin ah, taas oo tijaabadu uu mujisay in ay tahay isla qiyaasta dulinka ku nool tijaabo saxarada aadamaha ka mid ah. Isku day ay khubaradu doonayeen in ay jeermiskaas ka takhalusaan, ayaa ay buushkan u nadiifiyeen siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in ay biyo kulul ku dhaqaan iyo in ay foornada korontada ku haysa geliyaan iyo xitaa in ay sida dharka u maydhaan, laakiin waxaa u soo baxday in hababkaas kala duwani aanay wax badan ka tarin dilistii jeermiskii xad dhaafka ahaa ee ku dhashay buusha weelka lagu xalo.

Cilmibaadhayaashu waxa ay ku taliyeen in buushka weelka lagu xalo toddobaad kasta mar la beddelo, muddada la isticmaalayana maalintii lagu nadiifiyo biyo heerkulkoodu aad u sarreeyo iyo shaambooyada ama maaddooyinka kale ee nadiifinta loo adeegsado.

 

Comments are closed.