Shuruudda Islaamku Ku Xidhay Dhakhtarnimada Iyo Xukunka Dhibta U Gesyto Mihnadlaha Caafimaadku Marka Aanu Aqoon Iyo Xirfad U Lahayn Caafimaadka

Published on May 21 2014 // Warar

Waa qoraallo wacyi-gelin ah oo ay iska kaashadeen Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) iyo Wargeyska Geeska Afrika… Q:7aad

Hargeysa (Geeska)- Islaamku waa diin ku dhisan caddaalad iyo sinnaanta xuquuqda iyo waajibaadka, waa diin naxariis u ah addoomaha Alle, oo dhowrta xuquuqda qofka, naftiisa iyo maalkiisaba, waxa ay ilaalisaa xaqa uu qofku u leeyahay nolosha iyo in uu si cadaalad, iyo xaq ah dunida kaga tago, waxa aanay ka hortagtaa dulmiga iyo xad-gudubka. Dhakhtarka iyo bukaankuna waxa ay ka mid yihiin dadkaas ay guud ahaanba dhowrayso xaqooda kana jirayso dulmiga iyo xad-gudubka in ay iyagu geystaan iyo in loo geysto labadaba. Si gaar ahna waxa aynu arkaynaa in shareecada Islaamku ay dhowrtay xaqa uu leeyahay dhakhtarka iyo mihnadlaha caafimaadku, sidoo kalana ay ilaalinayso nolosha iyo bad-qabka ruuxa uu daweynayo, si aanay u dhicin in mihnadle caafimaad oo qayral-masuul ah ama ruux aan aqoontii caafimaadka lahayni uu ku ciyaaro nolosha dadka.

Xukunka shareecada ee in qofku ku shaqaysto mihnadda caafimaadka oo aanu aqoonteedii lahayn?

B- Imaamkii weynaa ee Imaam Axmed

in Xanbal oo ka mid ah imaamyada Afarta mad-habood ee shareecada Islaamka ayaa isaga oo ka hadlaya, xukunka shareecada ee shaqada dhakhtarnimadu leedahay marka qofka qabanayaa uu yahay mihnadle caafimaad oo aan aqoon ama takhasus u lahayn waxa uu yidhi, “Haddii ruuxu uu hawl caafimaad ku shaqeeyo isaga oo aan xariif ku ahayn mihnadda caafimaadka, shaqadaas uu qabtay waxa ay noqonaysaa xaaraan” taas oo sida ka cad hadalka sheekhaba iftiiminaysa in ay marka horeba xaaraan tahay in ruuxu uu ku shaqeeyo mihnaddan haddii aanu aqoonteedii lahayn shuruuddeedana buuxinayn. Haddii ay dhacdo in uu shaqadaas xaaraanta ah ku shaqeeyana, ay keenayso in risiqa ka soo gala uu xaaraan noqdo.

– Dhinaca kalana Sheekh Caa’id Al-Qarani oo ka mid ah culimada muslimiinta una dhashay dalka Sucuudiga ayaa mar uu arrintan wax ka qoray waxa uu yidhi, “Shareecada Islaamka waxa ay la timid in la xukumo ruuxa hawl dhakhtarnimo qabta isaga oo aan lahayn aqoontii caafimaad, iyo in maxkamad la soo taago dhakhtarka ka gaabiya ama dayaca waajibaadkiisa shaqo”

Sheekh Qarani oo qoraalkiisu sii socdo ayaa yidhi, “Xikmad weyn oo dad hore ay yidhaahdeen ayaa tidhaahda, Dadka waxaa halligay Jaahilnimo Mufti iyo jaahilnimo dhakhtar; Muftiga jaahilka ahi waxa uu burburinayaa diinta, dhakhtarka jaahilka ahina waxa uu u dhammaynayaa jidhka iyo nolosha. Xag jirnimada iyo in fikir qaldan ee diinta laga qaataa sababta ay ku timid waa mufti (Sheekh) jaahil ah. Dhinaca kalana, dabiibkan maanta isagii cudurka noqday iyo dawada qaldan ee nafta dilaysaa waxa ay ku timid dhakhtar jaahil ah, diinta Islaamkuna labadaasba in la xukumo ayaa ay keentay. Waana ay dhacday in madaxdii iyo khulafadii Islaamku ay amreen in la xukumo mufti jaahilnimo fatwooday iyo dhakhtar aqoon darro wax ku daweeyey, oo caddaaladda ayaa la horgeeyey, markaa waa in aan la dhaafin dhakhtar aqoon aanu lahayn dadka lacag kaga guranaya oo naftooda iyo maalkoodaba halis gelinaya…. In garsoorka la horgeeyaana isaga ayaa ay u fiican tahay oo marka dembigiisa loo sheego ee qaladkiisa la tuso waxa ay u dhow dahay in uu caqligu u soo noqdo oo uu Alle dembi dhaaf weydiisto, dembigana halkaas ku joojiyo”

Xukunka shareecada Islaamka ee qaladka uu galo dhakhtarka ku shaqeeya aqoon darro ama takhasus aan kiisa ahayn:

“Culimada Fiqiga Islaamkuna waxa ay

kutubtooda ku caddeeyeen in ruuxa dhakhtar iska dhiga ee dhib u geysta qof bukaan ah oo dabiib u soo raadsaday la mariyo xukunka shareecada ee gefka uu galay iyo dhaawaca ama dilka uu geystay, kadibna halkaas shaqada lagaga joojiyo oo weliba inta aqoonsiga lagala noqdo dadkana looga digo in aanay dib ugu tegin. Waayo nolosha aadamuhu waa ay ka qaalisan tahay in ruux ku ciyaaraya ama qayral masuul ah lagu daayo” Sidaa waxaa yidhi Sheekh Caa’id Al-Qarani. Waxa kale oo uu Sheekhu sheegay in culimada fiqiga Islaamku ay isku waafaqsan yihiin in mihnadlaha caafimaad ee isaga oo aanay aqoontiisu dhamaystirnayn ku shaqeeya mihnadda caafimaadka ama qabta hawlo caafimaad oo aan takhasuskiisa ahayn, haddii qofka bukaanka ah ee uu daweynayaa ku dhinto lagu yeelanayo magtii qofkaas oo dhamaystiran, (Xataa haddii uu marka hore saxeex ka sii qortay qofkan ama ehelkiisa, waayo waxaa loo arkayaa in uu khiyaameeyey maadaama oo aanu u sheegin in ay aqoontiisu hoosayso ama hawshani aanay takhasuskiisa ahayn), sidoo kale waxaa mihnadlahaas lagu yeelanayaa xaqa dhaawaca uu u geysto bukaanka, sida xaqa haddii uu wax yeelo, sanka, carrabka, maqalka, urta, dhadhamada, aragga, gacanta, lugta, dhalmada,  iwm. Waxa kale oo ku waajibaysa mihnadlahaas caafimaad ee qaladkan aynu soo sheegnay sameeyey kafaaro-gudkii ay diinta Islaamku sheegtay in ruuxa qof dilaa uu la yimaaddo, taas oo ahayd in uu soomo laba bilood oo is-raacsan.

Waxa ay culimadu sheegeen in haddii dhakhtarku uu qofka bukaanka ah u sheegto ama moodsiiyo inuu leeyahay cilmi aanu lahayn, kadibna qofkii bukaanka ahaa inta uu sidaas ku ogolaado u dhinto dawadii iyo dabiibkii ama dhaawac iyo dhibaato soo gaadhay, ruuxaa dhakhtarka ah waxaa lagu yeelanayaa magta ama xuquuqda dhaawaca uu geystay. Laakiin qofka dhintay looma dilayo maadaama oo uu qofkan bukaanka ahi ogolaaday in uu daweeyo. Isla markaana ay caddaato in dhakhtarkani aanu marka horeba lahayn ujeedo ah in uu qofkan dilo.

– Haddiise uu qofkan bukaanka ahi dhakhtarkan ku ogaa aqoon darrada iyo in xaaladdan uu ugu tegeyaa aanay takhasuskiisii ahayn waxa ay culimada fiqiga Islaamku sheegayaan in aan markaas dhakhtarka lagu lahayn wax mag ama xuquuq kale ah.

– Sheekh Qays Bin Muxammed Aala Mubaarak oo shahaadada ugu sarraysa ee Doctorate ku haysta cilmiga Fiqiga, kana tirsan hay’ada culimada waaweyn ee dalka Sucuudiga, ayaa daraasad uu ka sameeyey masuuliyadda dhakhtarka ee shareecada islaamka waxa uu qaladaadka dhakhtarka ama mihnadlaha caafimaadka ka iman kara u qaybiyey toban qaybood oo uu mid kasta xukunka shareecadana raaciyey. Waxa aynu ka soo qaadanaynaa inta khusaysa mawduuceenna oo ah dhibta uu geysto ruuxa isaga oo aan aqoontii caafimaadka lahayn dhakhtariya dadka, ama ku shaqeeya takhasus aan kiisii ahayn, waxaana ka mid ah qodobbadada 3aad iyo 4aad oo ah;

3. Dhakhtarka oo khilaafa xeerarka iyo nidaamka u yaalla mihnadda caafimaadka: Haddii dhakhtarku uu daweynta bukaanka u maro jid aan ahayn kii nidaam ahaan u yaallay iyo hab-raacii la isla yaqaannay cilmi ahaa iyo weliba xeerarkii nidaaminayey, shaqadiisa oo marka hore ah sharci waxa ay isu beddelaysaa xaaraan ay tahay in lagu ciqaabo. Culimada fiqiguna waxa ay caddeeyeen  in mihnadlaha ay waajib ku tahay in uu maro hab-raaca iyo nidaamka mihnaddaas u dejisan (Cilmi ahaan iyo sharci ahaanba), dhakhtarkuna waxa uun uu la mid yahay mihnadlayaasha kale oo waxaa ku waajib ah in uu raaco nidaamkaas u yaalla, haddii kale isaga ayaa ka masuul ah qaladka yimaadda.

4. Jaahilnimo: Haddii mihnadlaha caafimaad aanu aqoon u lahayn dhakhtarnimada ama takhasuska uu sheeganayo, bukaanka uu daweynayana aanu u sheegin in cudurkaasi aanu takhasuskiisa ahayn ama uu isagaba dhigay in uu aqoon u leeyahay, waxa ay culimada fiqiga Islaamku isku waafaqsan yihiin in uu masuul buuxa ka yahay dhibta uu geysto magteeda iyo xuquuqdeedana laga rabo.

7. Khiyaamayn/Dagis: Sidoo kale sheekh Aala-Mubaarak tobanka qodob ee uu dejiyey waxaa ka mid ah, qodobkan 7aad  oo uu u bixiyey Dagis, waxa aanu ku yidhi; Dhakhtarka iyo mihnadlaha caafimaad waxa loo arkayaa in uu khaayin yahay, haddii uu qofka bukaanka ah u qoro dawo dhibaato ku keenaysa ama jidhkiisu aanu u adkaysan karayn markaas, ama xataa aan dhib lahayn balse wax faa’ido ahna aan u keenayn caafimaadkiisa. Marka ay tan oo kale dhacdo shareecada islaamku waxa ay dhakhtarka dusha ka saaraysaa masuuliyadda dhibta soo gaadha bukaankaas, oo dabcan ku dagmay 

Shuruudda shareecadu ku xidhay Dhakhtarka:

Ugu damayntii sheekh Aala Mubaarak waxa uu sheegayaa 5 qodob oo uu sheegay in ay qasab tahay in dhakhtarka laga helo, ka hor inta aanu mihnadda caafimaadka ku shaqayn, waxa aanay kala yihiin:

1. Aqoon marag leh (Shahaado la hubo iyo caddayn)

2. In uu ogolaanshiyo ka haysto dowladda ama ciddii hadba u xil-saaran hawshaas.

3. In qofka bukaanka ah ee uu daweynayo ama ciddii ka masuul ah uu ogolaanshiyo ka haysto.

4. In uu raaco hab-raaca, cilmiga caafimaadka, sharciga iyo nidaamka ee u dejisan daweynta.

5. In aanu ku dhicin qalad weyn oo masuuliyad darro muujinaya.

Dhakhtar kastaa aakhiro waa lagala xisaabtamayaa ficilladiisa oo dhan, wixii qalad uu u badheedhana dhibta ka timaadda ee dhimasho iyo dhaawacba lehna waa lagu leeyahay magteeda iyo xaqeeda, qaladaadka badheedhka ahna waxaa ka mid ah in uu ku shaqeeyo takhasus aan kiisa ahayn, tusaale ahaan in uu qalniin galo isaga oo aan ku takhasusin qalniinka ama isaga oo ku takhasusay qalniinka lafaha ama uur ku jirta uu sameeyo qalniin dumar ama qalniin ah  wadnaha iyo keliyaha iyo wixii la mid ah. Sidoo kale haddii uu dhakhtarku ka jaahil yahay xeerarka, iyo hab-raaca u dejisan in loo maro daweynta ama aanu xariif ku ahayn oo uu galo qalad dhib gaadhsiiya bukaanka, ama gaabis shaqadiisa ahaa oo uu sameeyey dhaco, dhibta bukaanka soo gaadha bukaanka waa lagu leeyahay, waxaa ka mid ah in uu sheegto in uu wiilka yar gudi karo, kadibna uu badh jaro xubintii taranka iwm.

 

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!