Shrikadda Apple Oo Soo Saaraysa Kombiyuutarka Gacanta Oo Lagu Iibinayo Qiimaha Dunida Ugu Jaban

58
2756

Washington (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Apple ayaa go’aansatay in ay sannadkan soo saarto kombiyuutarka gacanta oo qiimihiisu aad u jaban yahay. Warar laga helayo shirkadda ayaa sheegaya in shirkaddu ay go’aansatay in ay gu’ga sannadkan aynu ku jirno soo saarto Kombiyuutar cusub oo qiimihiisu aad u jaban yahay. Kombiyuutarkan qiimaha jaban oo ah nooca casriga ah ee MacBook Air ayaa ay shirkaddu u bixisay magaca ‘Ultrabook’  waxa aana la filayaa in ay ku rakibto tiknoolajiyadaheeda Kombiyuutarka ee ugu casrisan, gaar ahaan dhinaca ka hortagta jabsashada kombiyuutarka.

Dhinaca kalana waxaa la filayaa in shirkadda Apple ay kombiyuutarkan cusub ka deyn doonto godadka USB – A oo ay ku beddeli doonto USB C, muraayaddiisana ay ka dhigi doonto, ‘Screen resolution (1440/900).

Xeeldheereyaasha suuqa tiknoolajiyadda ayaa saadaalinaya in soosaarista kombiyuutarkan cusub ee qiimaha jabani uu boqolkiiba 10 illaa 15 kordhin doono iibka shirkadda marka la barbardhigo kombiyuutarrada kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here