Shirweyne Dib Loogu Eegaayo Manhajka Heer Qaran Ee Somaliland Oo Ka Furmay Hargeysa

0
908

Picture3Hargeysa (Geeska)-Shir dib loogu eegaayo manhajka waxbarashada qaranka Somaliland ayaa shalay ka furmay magaalada Hargeysa, kaas  oo ka soo qayb galeen aqoonyahanka dalka qaar ka mida ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador. Shirkan oo loogu magac daray shirweynaha Talo-Wadaagga manhajka waxbarashada ee heer qaran, waxaa soo abaabushay wasaarada waxbarashada, iyadoo taageero ka helaysay Hay’addaha African Education Trust (AET) iyo CfBT Education Trust, kaas oo socon doono mudo laba maalmood ah. Shirkan waxaa ka soo qayb galay aqoon yahan badan oo ka socday goobaha kala duwan ee waxbarashada, sida jaamacadaha dalka kuwo gaarka loo leeyahay iyo mida dawliga ah, iskuulada dawlada iyo goobaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay. Ugu horayn shirkaas waxaa furay agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Somaliland Abiib Axmed Cali, waxaanu yidhi “Maanta waxaynu isugu nimi shir aad iyo aad u muhiima. Muhiimada shirkani leeyahay waxa uu yahay inaga oo eegayna mustaqbalka iyo aayaha ubadkeena, waxbarashaduna waa mustaqbalka umada, waxaynu is waydiinaynaa manhajka u yaala qaranka ee ubadkeenu bartaan miyuu yahay kii saxda ahaa ee ku haboonaa qaraniga 21-aad wakhtigan xaadirka ah, waxaynu u baahanay in aynu is waydiino habka aynu wax u barnaa ma yahay habkii saxda ahaa? Waxaynu u baahanay in aynu is waydiino luqada aynu wax ku barnaa luqadii saxda ahayd ma tahay? Afsoomaaligu ma isaga ayaa inagu haboon, waxa kale oo aynu u baahanay in aynu is waydiino da’da iyo ilmaha wax la barayaa kuwo isku haboon ma yihiin. Walaalayaal waxany u baahanay oo aynu halkan isugu nimi in aynu dib u eegno manhajkeenii inoo yaalay”. Agaasimaha oo hadalka furay ayaa guud ahaan soo dhaweeyey ka soo qayb galayaasha shirka Talo-Wadaag ee dib u eegista manhajka Somaliland. Sh Maxamed Cali Geedi oo ka mida culimada aqoon yahanka ah ee dalka oo shirkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey muhiimada ay umada u leedahay hagaajinta manhajka ay umadi leedahay, kaas oo uu ku sheegay inay ku xidhan tahay horumarka aadamuhu maanta gaadhay. Sheekha ayaa sheegay in manhajka Islaamka ay aas-aas u tahay Diinta oo qofka lagu soo barbaariyo, Ilaahay oo la baro, xaqa waalidka oo la baro, xaqa jaarka oo la baro iyo xaqa qaraabada oo la baro. Sh Maxamed Cali Geedi ayaa tusaale gaaban oo ku fadhiya macne badan u soo qaatay horumarka lagu sameeyey manhajyada wadamada Japan iyo South Korea,. Geesta kale waxaa isna shirkaas ka hadlay agaasimaha waaxda manaahijda Somaliland Cabdilaahi Yaasin, waxaanu si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo mareen manaahijdtu, waxaanu dul istaagay galdaloolooyinka tan iyo markii la sameeyey dul hoganaayo, isaga oo sheegay in xiligana uu yahay xiligii loo baahnaa in wax laga badalo an wanaagiisa iyo dhaliilihiisaba oo ay waayo arag u soo noqdeen.   Gudoomiyaha Hay’adda African Education Trust (AET) Xasan Axmed Ibraahim oo shirkaasi ka hadlay ayaa ka soo qayb galayaasha shirka ka codsaday in laga soo saaro manhaj dhaxal gal ah, waxaanu yidhi “Aqoon is-weydaarsigan aad ayaa loogu hanweynaa, haday noqoto wasaarada waxbarashada iyo Hay’addahan aanu ka midka nahay’ba, anagu xaga kharashka iyo farsamada ayaanu ka riixaynaa, laakin kulan hawleedkani waa dadaalkii wasaarada waxbarashada. Anigu waxaan odhan lahaa labadaas maalmood yaan loo kala hadhin. Maanta halkan waxaynu ku unkaynaa aas-aas manhaj oo hadhaw ubadkeena iyo umadeenaba wax tara, waxaan anigu mar labaad iyo mar saddexaad idinka codsanayaa labadaas maalmood wax dhaxal gal ah meesha kaga taga”.