Shirweynaha KULMIYE Oo Dhammaaday Iyadoon Lagu Dooran Xubnaha Golaha Dhexe

0
826

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii saddexaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa shalay si rasmi ah loo soo gunaanaday, iyadoo aan lagu dooran xubnaha golaha dhexe, marka laga reebo tiradooda oo lagu kordhiayy 100 xubnood.

Shirweynaha oo aanu wax tartan ahi ka dhicin, ayaa markii doorahada loogu celiyay hoggaankii hore, waxa la filayay in la doorto xubnaha golaha dhexe sida uu dhigayo xeer 14, kaas oo ah in shirweynuhu uu ansixiyo xubnaha golaha dhexe ee xisbiyada iyo guddiga fulintaba. Hase yeeshe markii la doortay hoggaanka xisbiga islamarkaana la isla qaatay in tirada golaha dhexe la kordhiyo, ayaa si rasmi ah loo kala dareeray.

Dad badan oo shirka ka qayb galay ayaa la yaabay talaabadan, waxaanay isweydiinayeen su’aalo ay ka mid yihiin yaa noqon doona golaha dhexe ee xisbiga, ma gole dhexe oo aanu shirweyne ansixin mise kuwii hore iyo sharci ahaan sida ay talaabadani suurtogal u noqonayso.

Guddiga diiwaangelinta oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu qodobkan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin.