Shirqoolka ‘Milinium’-ka: Ma khiyaamo Qaran baa? Ma khilaaf dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin?

Published on May 17 2014 // Maqaalo, Warar

boobe yuusufQalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

15/5/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 2aad

Waxa kale oo aan xusuustaa beryihii ay Cawil iyo Baashe soo af-duubeen dayuuraddii Somali Airlines ee Addis-Ababa la soo fadhiisiyay in aanu lahayn Kal-fadhi Gole Dhexe oo Saldhiggii Raamaale ee Diri-dhabe ku shirsanaa. Waxay ahayd bishii Oktoobar 1985kii. Siilaanyo oo Kal-fadhiga guddoominayay ayaa tilifoon loogu yeedhay. Markii uu ka soo noqday, wuxu noo sheegay in uu ahaa Muuse Rabbiile Good oo saraakiishii inqilaabkii 1969kii samaysay ka mid ahaa oo Istanbuul ka soo hadlayay. Waqti dheer ayaa ka soo wareegay, bal se waxaan u malaynayaa in uu ka hadlayay sidii ay SNM iyo nidaamkii Siyaad Barre wada-hadaloo u furan lahaayeen. Ma ay noqon arrin loo rixiyo ama la taageero. Run ahaantii garan maayo in Muuse Raabbiile Good isaga oo Istanbuul maraya uu jeclaystay in uu tilifoonkaa soo diro iyo in berigaaba Turkigu ku hawlanaa sidii Soomaalida is-dilaysay u wada hadli lahayd.

 

Waa xilliyadii loo gogol-xaadhayay wada-hadalladii u furmay Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam, 1986kii. Beryahaa waxa hal-hays loo lahaan jiray koox kubbad ciyaaraysa oo Soomaaliya ka imanaysa ayaa Addis-Ababa imanaysa oo dadka ayaa cabsi iyo khalkahl lagu gelin jiray. Waxa la isla dhex mari jiray inta aanay arrintaasi iman aan ka tabaabushaysanno. Arrintaa kubbaddu in badan oo dambe ayay soo noq-noqotay waxaana loo badinayay ina y ahayd dacaayad hoggaanku waday. 

 

Markanna waa 1989kii. Waxaan filayaa ilaa bishii siddeedaad in ay ahayd. Madashu waa meel la yidhaahdo Mada-weyn. Waxa ku shirsanaa Golaha Guurtida. Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa Guddoomiyaha SNM ayaa damcay in uu markii ugu horreysay soo jeediyo in Gobollada Woqooyi loo sameeyo maamul ka madax-bannaan Soomaaliya. Taanbuug weyn ayaanu ku jirnaa. Ilaa 14 xubnood oo Golaha Dhexe ee SNM ayaanu ahayn. Xubno Guddida Fulinta ahina waa ay fadhiyeen. Waxaan filayaa in saraakiishana cidi ka joogtay. Dood dheer oo aan rasmi ahayn ayaanu ka gallay. Habeenkaana Axmed Siilaanyo waanu ka hor joogsannay in uu ku dhawaaqo arrintaa madax-bannaanida oo Golaha Guurtida ka hor sheego. Waxaanu u arkaynay in aanay daacad ka ahayn ee ay ka ahayd olole uu ku gelayay Shirweynihii 6aad oo ku qorshaysnaa Maarj, 1990kii.

 

Shirweynihii 6aad oo ka furmay Balli-gubadle 31kii Maarj habeennimadii oo Ramadaan ahayd wuxu dhammaaday 28kii Abriil 1990kii. 14kii Abriil, 1990kii ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali loo doortay Guddoomiye, Xasan Ciise Jaamacna Guddoomiye-ku-xigeen.

 

Arrinta labaad ee aanu soo-jeedintii Siilaanyo diidmadeeda ama h or joogsigeeda u cuskannay waxay ahayd annaga oo qarka u sarnayn in aanu dalka qabsanno, in aannaan isku soo jeedin ururradii iyo dawladihii na taageerayay oo kal-go’ aan raalli ka ahayn.

 

Laba sannadood ka dib, 1991kii, intii aan lagu dhawaaqin madax-bannaanida Somaliland Axmed Siilaanyo isaga oo ku sugan magaalada London wuxu soo saaray, daabacay oo faafiyay warqad (Paper) afka Ingiriisiga ku qornayd oo uu ku soo jeedinayay sidii qaab Federaal ah Soomaaliya looga dhaqan-gelin lahaa. Wax yar ka dib wuxu ku soo noqday magaalada Burco oo uu ka soo socday Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo ahaa xeer-dejintii sharciyaysay la-soo-noqoshadii madax-bannaanida Somaliland.

 

Maalmahaa Cabdiraxmaan Tuur ayaa soo jeediyay in la sameeyo jago Ra’iisal-wasaare, taas oo uu Axmed Siilaanyo olole u galay, bal se fikraddaa markii dambe laga noqday. Kal-fadhigaa Golaha Dhexe arrintaa dood ayuu geliyay. Noofambar 1991kii ayay fikraddaasi mar labaad soo noqonaysaa. Markanna waxa olole u galay Ibraahin Meygaag Samatar. Nasiib wanaag mar kale ayaa haddana laga noqday. Xataa mar labaadkan waxay gashay arrintu dood Kal-fadhigii Golaha Dhexe oo Hargeysa, Maxkamadda Goodirka, ka sii socday, bishii Noofambar 1991kii. 

 

Sidii Qaddiyadda gaadhka looga hayay ayaa dalka lagu xoreeyay. Khasaare ballaadhnaa oo naf iyo maalba lahaa ayaa loo huray. Da’-yartii ayaa loo sadqeeyay. Magaalooyinkii ayaa burburay. Maatadii oo qaxaysa ayaa dayuurado loo soo kiraystay calooshood-u-shaqaystayaal Koonfur Afrika laga keenay lagu duqeeyay oo lagu laayay. Boqollaal kun oo dadweynihii ah ayaa ku dhintay, ku qaxay oo Itoobiya iyo dibadaha ku galay, ku naafoobay ama ku hanti beelayba. Masiibadii ugu darnayd ee ifka intii ay ku noolaayeen ku habsata ayaa ummaddan dusha kaga dhacday oo ay ilaa maanta ka soo kaban la’ yihiin.

 

Nin Mujaahid ahaa oo shahiiday oo la odhan jiray Xuseen Maxamed Cumar (Xuseen Xannaan) oo macallin ahaan jiray ayaa hal-hays wuxu u lahaan jiray innaga arrinteennu waa “Qaddiyad”, Ogaadeenkana (Soomaali-galbeed) waa “Xaajo”. Beryahaa waxaanu aad u dhegeysan jirnay maanso aanu aad u jeclayn oo Dhoodaan lahaa oo halkudheggeedu ahaa: “Xaajadii”. Aan godollo ka soo qaato:

 

Waagii hummaajidu ahayd, halabadii guusha,

Xaajadii huluulaha gashee, haatuf ka adeegay,

Xaajadii halaagguba ka dhacay, ee huqdiga reebtay,

Xaajadii hurgumadeedu ay, heerka culus gaadhay,

Xaajadii hadhkii loo fadhiyay, geeda hoos badan leh,

Xaajadii habeenkii ardaa, lagaga haasaaway,

Xaajadii horseedkiyo ergadu, waayo ku harraaday,

Xaajadii halyay daacadiyo, hanaddo loo soocay,

Xaajadii cirroolaha hufiyo, hebelo loo doonay,

Xaajadii markay hoga gashaba, la isku haaraamay,

Xaajadii hagaag diidayee, lagu heshiin waayay,

Xaajadii hirgali wayday ee, hadal ka soo daashay

Xaajadii hagoog iyo waxay, sir u hullaabnaydba,

Markay hoos u jiidaan waxay, kor u hayaantaaba,

Humse iyo waxay qoomammiyo, hibasho keentaaba,

Belo ka hig lahayd iyo waxay, baas la huguntaaba,

 

Idiin ma wada dhammayn karayo e’, halkaas ayuu la maray. Hadda waa ‘Xaajadii.’ ‘Qaddiyadduna’ kama ay duwanayn wax badan

 

Meey 1991kii ayaa dawladdii ugu horreysay la dhisay oo ay Madaxweyne iyo ku-xigeen ka ahaayeen Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac. Laba sannadood oo ku-meel-gaadh ahaa ayaa xilka loo dhiibay. Dal burbursan oo aanu dhaqaale jirin, wax yar ka dibna dagaallo sokeeye ayaa bilaabmay.

 

Waxa lagu ballamay Boorame, Maarj 1993kii. Waxa halkaa ku qabsoomay Shirweynihii ugu horreeyay ee Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay la wareegtay awooddii xeer-dejineed ee Golihii Dhexe ee SNM. Dawladdii labaad oo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Madaxweyne ka yahay ayaa halkaa lagu soo dhisay. Murankii Shirweynahaa ka dhashay ayaa sabab u noqday in ay mar kale dagaallo sokeeye dalka ka curtaan..

 

Madaxweynihii hore ee Cabdiraxmaan iyo dad sii raacay ayaa Xamar ka degay oo ku dhawaaqay in ay amminsan yihiin mabda’a Federaalka. Arrintaasi dagaallo hor leh iyo khasaare aan loo fadhiyin ayay keentay. Burbur hor leh ayaa dhashay iyada oo aan kii hore laga soo kaban. Dad baa ku dhintay. Dad baa ku naafoobay. Hanti badan ayaa lagu waayay.

 

Dadweynaha marna tuhunka iyo shakigu kama bixin ee Madaxweyne kasta oo yimaaddaba gaadh ayaa laga hayay. Cigaal iyo Ra’yaale ayaa u kala dambeeyay. Midna lama barrixin ee mid walba waxa la lahaa wuu ina celinayaa oo koonfur ayuu inagu darayaa. Tuhummaddaasi qaar marna hadhay ma ay ahayn ilaa maantadaa aynu taagan nahay.

 

Taasi waxay keentay in waxan xeerar laga dhigto oo laga yeesho. Waxay keentay in nimankan siyaasiyiinta ah dabar iyo seeto aanay ka tallaabsan loo tidco oo loo sameeyo. Xeerarkii ugu horreeyay ee Qaddiyadda lagu ilaalinayay ayaa la dejiyay markii ay tuhmaduhu dabarka goosteen ee la malayn kari waayay hindisayaashii siyaasiyiinta.

 

Baarlamaanka Somaliland ayaa si wadajir ah u go’aamiyay Go’aammadan soo socda.

 

(Hadal-haynta 11aad, Qormada: 3aad la soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

“Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso,”

 

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!