Shirkii Jaamacadda Carabta Ee Shalay Oo Isu Rogay Loolanka Qatar Iyo Wadamada Khaliijka

0
705

Picture3Kuwait(Geeska)-Waxaa shalay magaalada Kuwait ka furmay shirweynaha 25aad ee Jaamacada Carabta oo sanadkan si weyn isha loogu hayo xal u helida xiisada ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo xaaladaha kale ee ka taagan Masar iyo Siiriya.

Shirweynahan ayaa kusoo beegmaya xili dalalka Khaliijka qaarkood ay xidhiidhka u jareen dowlada Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageereyso ururka Ikhwaanu Muslimiinka. Wadamada Sucuudiga iyo Masar ayaa hore safiiradoodii ugala baxay wadanka Qatar, halka ay markii dambena wadamada Baxrayn iyo Imaaraadka Carabtu kaxaysteen safiiradoodii Qatar u fadhiyay.

Diblomaasi Carbeed oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in mid ka mid ah kulmadii albaabada la isu xidhay si weyn loogaga wada hadlay xaaladda wadanka Masar oo dareeno badan kicisay. “Xaaladu cirka ayay martay oo waxa shiday hadalo khuseeya Masar oo markii albaabada la isu xidhay la yidhi. Qatar waxay ka hadashay sida ay xaaladda Masar u socoto, laakiin Masar ayaa sheegtay inaan faraha lala gelin arrimaha gudaha Masar.” Sidaas waxa yidhi diblomaasigaas.

Dowlada Qatar oo iyadu sanadkii hore qabatay shirweynihii Jaamacada Carabta ayaa shalay fursad u heshay inay soo jeediso khudbada ugu horeysa ee furitaanka shirka, waxaanay dawladda Masar ka codsatay inay dib uga noqoto go’aanka ay ku mamnuucday ururka Ikhwaanka.

Dhinaca kale dalka Siiriya ayaan wax xubin ah ka joogin, iyadoo sanadkii hore loo ogolaaday kursiga dalka Siiriya inay ku fadhiistaan isbaheysiga mucaaridka ee dalkaasi Siiriya, arrintaasi oo ay ka biyo diideen sanadkan qaar kamid ah dalalka Jaamacada Carabta. Waxaana shalay haawanayay kursigii Suuriya.

Shirweynaha sanadkan ayaa lagu sheegay in diirada lagu saarayo “..Iskaashiga iyo Horumarinta Mustaqbalka Dalalka Carabta…”

Waxaana la filayaa in qodobada looga hadli doono ay kamid noqon doonaan xaalada Falastiin, dagaalka Siiriya, xiisada ka taagan Masar, Khilaafka Khaliijka iyo iskaashiga ganacsiga.

Si kastaba ha ahaate shirka shalay waxa hadheeyay khilaafaadka u dhexeeya wadanka Qatar iyo wadamada kale ee gacanka iyo Masar oo isku dhinac ah.