Shirkii Golaha Wasiirada Ee Kuwayt Oo Shalay Laga Akhriyay Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo U Qoray Boqorka Dalkaas

0
863

 

waftiHargeysa(Geeska)-Shirkii Golaha wasiirada ee dalka Kuwayt ayaa lagu soo hadal qaaday warqad uu boqorka dalkaas u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo uu nuxurkeedu ahaa xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kuwayt.

Wakaaladda wararka ee dalka Kuwayt ayaa sheegtay in Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha wasiirada dalkaas lagu soo bandhigay qoraalo iyo kulamo uu boqorka Kuwayt la yeeshay madax dalkiisa saaxiib la ah.

Wakaaladu si gaar ah uma sheegin waxyaabaha ku qornaa dhambaalka uu Madaxweynaha Somaliland diray, laakiin waxay sheegeen inay dhammaan dhambaalada shirka golaha wasiirada laga akhriyay ay ku saabsanaayeen xoojinta xidhiidhka walaaltinimo ee u dhexeeya dalka Kuwayt iyo dalalka qoraalada soo diray.

Lama oga inuu qoraalku ahaa mid mahadcelin ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo diray intii uu dalkaas Kuwayt ka soo noqday iyo inuu yahay dhambaal uu boqorka u dhiibay markii uu la kulmay.

Madaxweynayaasha qoraalada soo diray waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweynaha dalka Senegal Cabdalle Wedeye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kuuriya, Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bill Clinton, Boqorlka dalka Spain iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan ka soo guryo noqday martiqaad rasmi ah oo uu ku tagay dalka Kuwayt iyo Imaaraadka Caraba, waxaanu kulan la yeeshay boqorka dalka Kuwayt.