Shirkadda Weyn Ee Samsung Waxa Laga Dhex Maamulaa Xabsi Uu Ku Xidhan Yahay Ninkii Maamulaha Ka Ahaa

0
625

Seoul (Geeska)- Guddoomiyaha shirkadda caanka ah ee Samsung oo lagu magacaabo Lee Jae-yong ayaa la sheegay in loo ogolaaday in uu xabsiga dhexdiisa ka maamulo shirkadda, iyo taas oo ay ka mid tahay in dad aad u tiro badani ay xabsiga ku soo booqan karaan, iyo in uu kaalin weyn ku yeelan karo go’aamada kala duwan ee shirkadda, in kasta oo hawlaha maalinlaha ah aanu u wadin sida markii uu xorta ahaa.

Lee Jae-yong ayaa sida uu dhigayo sharciga dalka Kuuriyada Koonfureed, waxa uu xaq u leh in uu xabsiga dhexdiisa kula kulmo mid kasta oo ka mid ah qareennadiisa iyada oo aan wax shuruud iyo xakamayn dhinaca waqtiga ah lagu xidhayn, marka laga tago in kulanku uu noqdo maalmaha shaqada ee toddobaadka oo u dhexeeya Isniinta ilaa sabtida. Mid ka mid ah qareennadiisa ayaana warbaahinta u sheegay in uu Lee Jae-yong iska fogeeyey dhammaan eedaha loo soo jeediyey ee la xidhiidha dacwadda ay xeer-ilaalinta dalkaasi ku tilmaamtay in ay noqon doonto tii qarniga.

Lee Jae-yong waxa kale oo loo ogol yahay in uu maalin kasta hal mar oo muddo saddex daqiiqo ah la kulmi karo qof kasta oo kale, oo ay ka mid yihiin agaasimayaasha fulinta ee shirkadaha kale ee shaqadu ka dhaxayso shirkadda weyn ee Samsung. Taas oo ah arrin aan isaga ku koobnayn ee uu sharciga dalkaasi u fasaxayo. Waxa kale oo loo ogol yahay in uu shirar ku geli karo qol ka mid ah xabsiga oo loogu talogalay booqashooyinka gaarka ah.

Marka xabsigan Kuuriyada Koonfureed la barbar dhigo ka dalka Maraykanka ayaa la arkayaa sida ay u kala fog yihiin, iyada oo maxbuuska loo haysto dacwado la xidhiidha shirkadaha ee u xidhan dawladda Federaalka ee Maraykanka loo ogol yahay in ay saacadaha shaqada si aan xakame lahayn u soo booqan karaan qareennadoodu, laakiin aan loo ogolayn in ay dad kale ku soo booqdaan xabsiga marka laga reebo ugu badnaan afar saac oo bil kasta loo ogolaanayo booqashada.

Waxa se’ dalka Maraykanka ka jira in ganacsatada waaweyn ee u xidhan eedo aan dhagar gaadhsiisnayn oo arrimo lacageed la xidhiidha ay bixiyaan lacag damaanad ah, kadibna guryahooda iskaga noolaadaan si caadi ah inta maxkamaddu dacwaddooda xukun ka soo saarayso.

9kii Bishii Laba iyo Tobnaad ee 2016-ka ayaa madaxweynihii dalka Kuuriyada Koonfureed oo ahayd marwo Park Geun-hye waxa uu baarlamanka dalku ku soo oogay dacwad la xidhiidha in ay awooddeeda madaxweynenimo u adeegsatay in ay shirkadaha waaweyn ee Samsung ka mid tahay ku boorriso in ay lacago deeqo ah oo ay bixinayeen ay siiyaan urur samofal oo uu maamulo ruux ahaa gacanyaraheeda koowaad. Xilkii madaxweynenimo ee Park ayaa intii dacwaddeedu socotay la laalay oo si ku-meel gaadh ah loogu wareejiyey raysalwasaaraheedii Hwang Kyo-ahn, isaga oo xilkiisa loogu daray in uu isla markaana noqdo madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah. 10kii Maarij 2017-ka ayaana maxkamadda saree e dalkaasi ay taageertay go’aanka baarlamanku shaqada kaga joojiyey madaxweynaha, sidaas ayaana xukunka lagaga xayuubiyey.

Waxaa hadda weli xabsi ku jira masuuliyiintii madaxa ka ahayd shirkadaha ay arrintani gashay oo ay ka mid tahay shirkadda Samsung, iyo masuuliyiin hore oo aad uga ag dhowaa madaxweyne Park oo ah haweenaydii ugu horreysay ee dalkaas iyo Bariga Eeshiya labadaba.