Shirkadda Telesom oo Sanadkan Si weyn Uga Qayb-gashay Xuska 18-ka May

0
529

Hargeysa(Geeska)- Shirkadda Telesom ayaa sanadkan si wayn ugu qayb-qaadatay xuska munaasibadda 18 May.  Shirkadda ayaa gabi ahaanba fasaxday shaqaale weynaha Shirkadda Telesom marka laga reebo shaqaalaha heeganka ah.

Shirkadda Telesom ayaa sanadkan waxa ay internet xawaarihiisu sareeyo siisay Telefishanadda SOMSAT, Bulsho TV, Radio Hargeysa iyo shabakado badan oo Caalami ah. Dadweyne tiro badan oo ayaa si toos ah ugala socday dabaal-dega munaasibadda gooni isku taaga Somaliland warbaahinta kala duwan gaar ahaana kuwa ay shirkadda Telesom siisay internet-ka.

Xuska Dabaaldega Munaasada 18 May ayaa sanadkan si weyn looga xusay dhamaan goboladda Jamhuuriyadda Somaliland waxaana ka soo qayb-galay kumanaan dadweynaha Somaliland ah, Ciidamada Qaranka, Ciidamadda Badda, Ciidamada Booliska, Ciidamada Asluubta, gaadiidka Ciidamada kala duwan, dab-damiyayaal ay soo bandhigtay dawladda Hoose ee Hargeysa, ganacsatadda kala duwan ee dalka, Ururadda aan dawliga ahayn, ururadda Iskaashatooyinka, Iskuuladda dugsiyadda hoose/dhexe, Dugsiyadda Sare iyo Jaamacaddaha kala duwan ee dalka.