Shirkadda Somtel Oo Soo Gabagabaysay Barnaamij Aqooneedka Kasmaal

0
602

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Somtel oo soo gabagabaysay Barnaamij Aqooneedka Kasmaal iyo Koobka Bisha ramadaan ee 4G Cup oo ka socday Garoonka Oday Stadium ee magaalada Hargeysa. 

1
Shirkadda Somtel ayaa bishan barakaysan ee ramadaan xoog usoo jiidatay qaybaha kala duwan ee Bulshada kadib markii shirkaddu macaamiisheeda usoo bandhigtay Barnaamijyo wax tar u leh xaga horumarinta arimaha bulshada  iyo waliba Hadiyado qaali ah oo ay shirkadda somtel bixisay bishan barakaysan ee ramadaan arintaas oo aad ay uga mabsuudeen macaamiisha kala duwan ee Shirkadda Somtel.
Hadaba Hoolka Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta JSL waxa saaka lagu qabtay Xaflad aad loosoo agaasimay oo lagu soo xidhaayay Barnaamijka Kasmaal Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen wasiirka wasaaradda Warfaafinta Cadaani, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil, Agaasimaha Guud ee warfaafinta Ilkacase, Maareeyaha TV-ga Qaranka, Boqor Buurmadoow, Masuuliyiinta shirkadda somtel iyo Dadwayne aad u fara badan.

Ugu horayn waxa xafladda ka hadlay isla markaana faahfaahin ka bixiyay Barnaamijka Kasmaal Madaxa Waaxda suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Cabdiraxmaan waxaanu ku bilaabay hadalkiisa " Bacda salaan waxa aan u mahad celinayaa Masuuliyiinta kala duwan iyo martida sharafta badan ee wakhtigooda qaaliga ah noo soo huray hadan wax yar faahfaahin ka bixiyo barnaamijkan kasmaal waa barnaamij cilmiyeed ay Bulshadu wax badan ka barato kana Faa'ido sida barashada Diinteena Suuban, dhaqankeena wanaagsan, taariikhda Bulshada iyo guud ahaanba Aqoonta guud taas oo kulmisay oo ay ka faa'idaystaan Bulshada qaybaheeda kala duwan waxa aqoontaas u dheer bulshada hadiyado 4Gplus ah oo bilaash ah iyo waliba lacag 3000,000 Shilling S/land ah oo lagu bixiyo Barnaamijka Kasmaal waxaanu noqday Barnaamijka ugu qiimaha badan uguna daawashada badan barnaamijyada ka baxa TV yada Soomaalida taasna barnaamijku waxa uu ku gaadhay Dadaal badan iyo Kharash badan oo shirkaddu ku bixiso Sanad walba.
Waxa isaguna Halkaas ka hadlay Madaxa waaxda ganacsiga ee shirkadda Somtel Maxamed Rooble waxaana Hadalkiisii ka mid ahaa " shirkadda somtel waxa ay macaamiisheeda usoo Bandhigtay bishan ramadaan qiimo dhimis 50%  ah dhinaca adeegga 4G plus oo ah adeeg internet oo casri ah waana adeeg ku cusub gayiga soomaalida iyo guud ahaanba Geeska Afrika shirkadda somtelna waa shirkaddii u horaysay ee dhulka soomaalidu degto macaamiisheeda u keentay Adeeggan 4Gplus oo ka haqabtiray bulshada xaga internetka xawaarihiisu sareeyo iyo waliba Barnaamijka hadal oo hel Deeq waxbarasho iyo Moobilo Casri ah oo shirkadda somtel ay ugu talagashay in macaamiisheeda ay siiso jaanisyo waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah si loo dhiirigaliyo dhalinyarada iyo aqoonta.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Cawil Saalax oo ku hadlaayay Magaca Dahabshiil Group Mahadnaq ka dib waxa uu aad iyo aad u bogaadiyay Maamulka Wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaanba shaqaalaha wasaaradda oo mudo lix sanadood ah kala shaqaynaayay Barnaamijkan kaamaal waxaanu cawil sheegay in ay sii laban laabidoonaan tayada Barnaamijka Kasmaal Marwo Xukun Ali Daahir oo Ka socotay dhinaca Bulshada afkoodana ku hadashay ayaa waxa ay sheegtay tan iyo wakhtigii la bilaabay barnaamijka kasmaal in ay ku taxnayd oo la socotay waxbadana ay ka faa'iday iyada iyo qoyskeeduba waxayna ku tilmaantay shirkadda somtel ee maalgalisa barnaamijkan Kasmaal hormoodka shirkadaha Dalka.

Dhinaca Kale waxa Madashaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Maareeyaha TV-ga Qaranka oo dhammaantood ku dheeraaday Faa'idada Barnaamijka Kasmaal waxaanay aad iyo aad ugu mahad celiyeen shirkadda somtel ee maalgalisa barnaamijka Kasmaal oo la'aanteed aan guushan la gaadheen.

Ugu dambayntii waxa Madasha soo gunaanaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo sheegay Barnaamijka Kasmaal in uu yahay barnaamijka aad iyo aad u faa'ido badan sidaas awgeed waxa uu ka codsaday Wasaaradda Warfaafinta iyo Guud ahaanba haayadaha Dawliga ah in Shirkadda somtel loo diiwaan galiyo Barnaamijka Kasmaal loona ilaaliyo Copy right ka barnaamijka Kaamaal maadaama shirkaddu tacab badan galisay.

Gunaanadkii xafladda waxa shahaado sharafyo la gudoonsiiyay Shirkadda Somtel iyo TV-ga Qaranka JSL oo Dadaal badan galiya sanad walba Qabsoomidda Barnaamijka Kasmaal.

Dhinaca Kale Shirkadda somtel iyo Maamulka Garoonka Kubadda Cagta ee Oday Stadium waxa ay si wada jira usoo gabagabeeyeen maanta Koobkii garoonkaas ka socday bisha ramadaan oo loogu magac daray Somtel 4G isla markaana ay maalgalisay shirkadda somtel oo ay ugu talagashay in ay ku dhiirigaliso dhalinyarada si looga hor tago tahriibta iyo Balwadaha dhalinyarada ragaadiyay waxaana halkaas Koobab, Billado iyo hadiyado kalaba  lagu gudoonsiiyay kooxihii guulaystay.

Haddaba Shirkadda Somtel ayaa Mudooyinkii u dambeeyay hanatay quluubta bulshada gaar ahaana macaamiisheeda oo aad ugu bogay qiimaha Jaban ee dhanka Hadal ka iyo Dhanka internet ka xawaarihiisu aadka u sareeyo iyo waliba ka qayb qaadashada dhanka arimaha bulshada, Hadiyadaha qaaliga ah iyo waliba Adeegga Daryeelka macaamiisha ee shirkaddu sida joogtada ah macaamiisheeda u siiso oo ay bulshadu aad uga heshay waxaanay shirkadda somtel ku mutaysatay barnaamijyadaas wax tarka le shahaado sharafyo iyo bogaadin uga timid dhinaca bulshada iyo Dawladaba.