Shirkadda SOMTEL Oo Si Rasmi Ah U Daah-furtay Adeega Casriga Ah Ee 3G

0
709

 

Gudoomiyaha SomtelHargeysa (Geeska)-Shirkada Isgaadhsiinta ee SOMTEL ayaa garoonka Timacade ee magaalad Hargeysa ku soo bandhigtay adeega 3G oo ah adeeg ku cusub dalka Somaliland, kaas oo ay markii ugu horaysay shirkada Somtel ku soo kordhisay adeegyada shirkadeeda, isla markaana in mdudo ah uu ku jiray tijaabooyin badan.

Daah furka ay shirkada Somtel u samaysay adeega 3G waxaa ka soo qayb galay xubno ka socda xukumada Somaliland, sida wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta, wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha, wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, wasiirka wasaarada cadaalada, wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, cuqaal, fanaaniin iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka soo qayb galay baahinta adeega 3G.

Waxaa halkaas mahad balaadhan uga soo jeediyey shirkada Somtel guud ahaan masuuliyiintii halkaas ka hadashay oo sheegay in shirkadu ku talaabsaday horumar la taaban karo, iyaga oo ka markhaati kacay kaalinta ay dalka kaga jirto inay tahay mid muhiim ah. Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday oo halkaas ka hadlay waxa uu sheegay in shirkadan iyo shirkadaha kale ee wadaniga ah ay la shaqayn doonaan.

Dhamaan wasiiradii iyo masuuliyiin kala duwaanaa ee halkaas ka hadlay ayaa kula dardaarma shirkada Somtel inay ka foojignaadaan khataraha ka iman kara adeega 3G, in kastoo aanay hoosta ka xariiqin dhibka ka iman kara, balse waxay amaan balaadhan u soo jeediyeen. Adeeggan 3G ee jiilka saddexaad ee aanu soo bandhignay waxa kasoo horreeyey adeegyo dhawr ah, 3G haddii aynu eegno Somaliland waa dalka shanaad ee laga hirgeliyey qaaradda Afrika, 3G-gu wuxuu dadweynaha u saamaxayaa inuu idin siiyo Internet dhakhso badan, kaas oo qofka u sahlaya inuu wax ku barto ama uu dhakhtar kula xidhiidho, waxaanay dadku iska arki karaan (Video Call) oo ay dadku Mobile-kooda ka wada sheekaystaan iyaga oo is arkaya. Waxaan idiin sheegayaa oo aan idiinku bushaaraynayaa in dhawaan insha allah Somtel iyo Dahabshiil oo wada jira inay soo bandhigi doonaan mudo aad u dhaw oo bil ka yar khidmada la yidhaahdo E-Dahab oo ah (Mobile Payment)”

Gudoomiyaha shirkada Somtel Md. Siciid Maxamed Siciid waxa kale oo uu intaas ku daray in xisaabta kaaga furan shirkada xawilaada lacagaha ee Dabashil aad kala socon karta lacagna kala soo bixi karto akoonka kaaga furan adiga oo isticmaalaya adeega E-Dahab, waxaanu yidhi mar kale isaga oo arrintaas ka hadlaya “Sidoo kale waxaad ku isticmaali kartaa adeeggan haddii bogg xisaabeedkaaga Dahabshiil ay lacaggi kuugu jirto si fudud ayaad ugala bixi kartaa adiga oo jooga gurigaaga, waanad ku shuban kartaa lacag. Adeeggan waxaanu diyaarinnay bishii koowaad ee sannadkan, laakiin waxaannu u soo bandhigi waynay qodxaha ayaanu ka guraynay, shirkadaha imika suuqa ka jiraana wuxuu dheer yahay ilaa shan waxyaabood oo aanay lahayn”

Ugu danbayntii gudoomiyaha shirkada Somtel Siciid Maxamed Siciid wuxuu sheegay in magaca dhawaan laga badali doono shirkada loona bixin doono Dahabtel, isla markaana sheegay in aanay mustaqbalka Somaliland oo kaliya ku koobnaan doonin ee ay hada wadaan ilaa Kismaayo, gaar ahaana magaalada Dhooblay.