Shirkadda Samsung Oo Sannadkan Soo Saaraysa Talefannada Gacanta Oo Muraayaddoodu Isku Laabmayso

0
849

1Washington (Geeska)- Shirkadda soo saarta talefannada gacanta ee Samsung ayaa dhowaan loo diiwaangeliyey xaqa lahaanshiyaha hal-abuurka muraayadaha talefannada gacanta oo isku laabmaya, kuwaas oo ay wararku sheegayaan in ay ku soo rakibi doonto talefannada ay sannadkan cusub ee 2017 suuqa soo gelin doonto. Kadib muddo saddex sano ka badan oo daraasayn iyo farsamayn ay ku wadday shaashadahan cusub.

Xafiiska Xaqa lahaanshiyaa fikirka iyo calaamadaha ganacsiga ee dalka Maraykanka ayaa shirkadda Samsung u diiwaangeliyey xaqa ay u leedahay in ay sheegato, isla markaana isticmaasho farsamo sababaysa in la sameeyo muraayadaha talefanka ee laabmaya, taas oo ay shirkaddu dalbatay bishii Lixaad ee sannadkii 2015ka.

Sida la xasuusto shirkadda Samsung waxa ay muraayado isku laambaya iyo suurtogalnimada in loo adeegsado talefannada gacanta soo bandhigtay sannadkii 2013ka, laakiin hawshaas si rasmi ah uma ay gudo gelin iyada oo sida la sheegay xoogga saartay in marka hore ay hesho shahaadada caddaynta xaqa lahaanshiyaha farsamadan iyo hal-abuurkeedaba.