Shirkadda HASS Oo 40% Saami Ah Ka Iibisay Shirkad Ay Leedahay Dawladda Cumaan

0
516

Hargeysa(Geeska/star)-Shirkadda Hass petroleum group ayaa saami dhan 40% ka iibisay shirkadda Oman Trading International oo ah shirkad ay dawladda Cumaan leedahay. Sidaas waxa shalay qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Laakiin lama sheegin qiimaha ay HASS siisay saamigaas ay iibisay.

Wargeysku  wuxuu sheegay in shirkadda Hass ay warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in shirkadu raacdaynayso inay maalgashi ka samaysato bariga, badhtamaha iyo waqooyiga Afrika, ka dib maalgashigan cusub markii la geliyay. Guddoomiyaha shirkadda Hass Cabdinaasir Cali Xasan, ayaa sheegay in iskaashiga dhex maray shirkadda OTI ee Cumaan iyo Hass uu qayb ka qaadan doono kobcinta awoodaha iyo ganacsiga Hass. “Waxaan ku kalsoonahay in iskaashigani uu yahay talaabo lagu sugayo awooda sh irkada Hass ku leedahay gobalka, waxaanan ku kalsoonahay in annaga iyo OTI aanu gaadhi doono hadafkayaga mustaqbalka.”

Maamulaha shirkadda OTI ee dalka Cumaraan Talal Al Awfi ayaa isna sheegay inay ku faraxsanyihiin wada shaqaynta ay la bilaabeen shirkadda HASS, “Waxaanu ku faraxsanahay inaanu u dhaqaaqno wejiga labaad ee koritaanka OTI, annagoo ku heshiinay maalgashadahayaga ugu weyn ee Afrika inuu noqdo HASS.”, ayuu yidhi, isagoo ammaanay shirkadda HASS oo uu ku tilmaamay mid si waafi ah u koraysa islamarkaana samaynaysa horumar laxaad leh.

Shirkadda HASS, ayaa xarumo ku leh dalalka Somaliland, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda Zambia, South Sudan, Somalia, iyo DR Congo.