Shirkadda Google Oo Wasaaradda Difaaca Maraykanka U Casriyeynaysa Nidaamka Difaaca Garaadka-san

40
3875

Washington (Geeska)- Shirkadda Google ayaa wasaaradda difaaca Maraykanka la saxeexatay heshiis iskaashi oo lagu casriyeynayo garaadka samayska ah iyo tiknoolajiyadda qalabka difaaca. Shirkadda Google waxa ay si qarsoodi ah wasaaradda difaaca ugala shaqaynaysaa sidii loo dhammaystiri lahaa 1100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo la doonayo in lagu rakibo tiknoolajiyad awood u siisa in ay la socosho ku samayso tiknoolajiyadda sawirrada iyo wejiyada iyo noocyada habdhaqan ee kala duwan.

Shirkadda Google waxa ay qorshaynaysaa in ay casriyeyso tiknoolajiyadad garaadka samayska ah leh, si ay awood ugu yeelato caddaynta iyo gorfaynta sawirrada ay qaadaan diyaaradaha ana duuliyaha lahayn. Warkan oo 6dii Maarso ay faafisay wakaaladda wararka ee ‘The Intercept’   ayaa lagu sheegay in ujeedada ugu dambaysa ee laga leeyahay iskaashiga Google iyo wasaaradda difaaca Maraykanku ay tahay wanaajinta hawlgudashada dagaal ee wasaaraddu marka ay adeegsanayso qalabka tiknoolajiyadda ku shaqeeya, taas oo ay ugu mudan tahay in qalabka tiknoolajiyadda ku shaqeeya ee xogta soo ururiya sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xogta ay soo ururinayaan laga dhigo mid la hubo, lana fahmi karo, tusaale ahaan mid si fiican u xaddidi karta halka ay dagaalyahannada la beegsanayaa joogaan si go’aanka saraakiisha wasaaraddu u qaadanayaan u noqdo mid sax ah, beegsashada cadowguna u noqoto mid guulaysata.

Heshiiskan cusub oo uu wasiir ku xigeenka difaaca Maraykanka Robert Work uu dawladdiisa u saxeexay, maha kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay shirkadda Google kala shaqayso wasaaradda difaaca Maraykanka. Waxa jirtay in agaasimihii hore ee shirkadda Goolge, Eric Schmidt uu xilligii Barak Obama uu madax u noqday ‘Golaha latashiga hal-abuurka difaaca ee wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka’ si kastaba ha ahaato ee tallaabadan ay shirkadda Google ku caawinayso wasaaradda difaaca Maraykanku waxa  uu cadho ku abuuray qaybo ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ka xun in shirkaddoodu qayb ka noqoto tiknoolajiyadda ciidamada, halka kuwo kale oo shaqaalaha ka mid ahina ay si cad ugu doodeen in arrintani ay akhlaaq ahaan ceeb ku tahay.

Laakiin afhayeen u hadlay shirkadda Google oo la hadlay wakaaladda wararka ee Blumberg ayaa ku sheegay in shirkaddiisu ay wasaaradda difaaca kala shaqaynaysa horumarinta barnaamijyada tiknoolajiyadeed ee aadka u heer sarreeya “Tensor Flow API’ laakiin waxa uu ku andacooday in qalabyada ay ka caawinayaan wasaaradda difaacu aanay ahayn kuw ujeedooyin weerar ciidan loo adeegsan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here