Shirkadda Genel Oo Saadaalinaysa In Shidaal Laga Helayo Somaliland

0
315

London(Geeska)-Shirkada sahaminta ee Genel Energy ayaa shaaca ka qaaday in ceelkooda koowaad ee Somaliland ay qodi doonaan sannadka 2020, balse socoto akhrintii natiijooyinkii ka soo baxay sahamintoodii Somaliland.

Qoraal Genel Energy soo saartay toddobaadkan oo lagu baahiyey barta Petroleum Africa ayaa lagu sheegay in bolookyada SL-10-B/13 block, oo shirkadu leedahay saamigooda boqolkiiba 75% la dhammeeyey sahamintii ay ka wadeen.

Xaaladaha soo baxaya ayaa xaqiijinaya in Genel saadaalinayso in bolookyadaasi shidaal laga heli karo, sida ay warbixintu sheegtay.  “Ififaalaha muuqda wuxuu ku raacsan yahay aragtida Genel ee ah in bologga uu ku jiro shidaal. Genel waxaay sii wadaa sahaminta iyo qiimayn ay ku samaynayso talaabooyinka xiga ee ka horeeya inay heshiis qodis gasho, waxaana suurta gal ah in sanadka 2020 ceel qodista la bilaabo. Bologga Oodwayne waxa la dersayaa in la sii wado hawlaha ka gariirinta dhulka si loo ogaado in bologaas wax ku jiraan.” Sidaas ayay tidhi warbixintu.

Sidoo kale shirkada Genel ayaa sheegtay in ka hor qoditaankooda ceel lagu ogaanayo xaddiga shidaal laga heli karo sannadka 2020 laga yaabo inay saamigeeda qeyb ka mid ah ka iibiso shirkado kale, si loo kaabo dakhliga qoditaanka.

Dhinaca kale, bolooka Oodweyne ayey shirkada genel shaacisay inay sahamin dheeraad ah ku samayn doonto si loo xaqiijiyo saadaasha shidaal ee uu leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.