Shirkadaha Internet Ka Oo Fashiliyey Caddaymo Muujinaya In Ruushku Uu Farogeliyey Doorashadii Maraykanka

37
3230

Kamaal A. Cali

Washington (Geeska)- Masuuliyiinta shirkadaha waaweyn ee Internet ka Maraykanka ayaa Kongareeska dalkaas ka hor caddeeyey xogo dheeraad ah oo muujinaya in Ruushku uu farogelin ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee sannadkii hore lagu doortay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Warbixinaha wakaaladaha wararku ka diyaariyeen kulankaas masuuliyiinta baraha bulshada ee internet ka iyo Kongareeska Maraykanka ayaa sheegaya in hadalkan masuuliyiinta Internet ka ee salaasadii uu ku soo beegmay maalin uun kadib markii uu bilowday baadhitaan lagu eegayo xaqiiqada farogelinta la sheegay in Ruushku uu ku sameeyey doorashadii Maraykanka isaga oo doonayey in uu guulaysto madaxweynaha hadda ee Donlad Trump.

Xogaha qoran ee ay masuuliyiintani siiyeen Kongareeska kuwa ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa xogta caddaynaysa in dadka Maraykanka ah ee akhriyey wararka been abuurka ahaa ee la xidhiidhay doorashadu ay tiradoodu Malaayiin qof ka badan tahay intii markii hore la filayey. Wararkan oo ahaa kuwo ka imanayey dhinaca Ruushka ayaa calaamad u ah in uu dalkaas ka socday dadaal la doonayo in jaahwareer lagu rido codbixiyaha Maraykanka ah ee doonaya in uu u codeeyo Hilary Clinton, si uu ugu codeeyo Donald Trump ama ugu yaraan uu uga niyadjabo u codaynta Hilary Clinton oo aanu cidna u codayn.

“In Dad shisheeye ahi ay ku soo gabbadaan akoonno been abuur ah oo ay barahayaga bulshada iyo adeegga internet ka uga faa’idaystaan in ay muran iyo iska hor imaad abuuraan .. isla markaana dadaal u galaan in ay dhaawacaan hawlaha doorashadeenna.. waxa uu ahaa weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyadeenna oo meel ka dhac ku ah qiyamkeenna” waxaa sidaa yidhi Lataliyaha guud ee shirkadda Facebook Kolin Estrech oo hadal u jeedinayey Guddi qaybeedka la dagaallanka dembiyada iyo argagaxisada ee golaha Odayaasha Maraykanka.

Masuuliyiinta shirkadaha waaweyne ee internet ka ee salaasadii iyo arbacadii ina dhaaftay ka hor hadlay guddidan Kongareeska Maraykanka ah ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqdhaqaaqa dhinaca Ruushka ka socday ee la xidhiidhay doorashada Maraykanku uu ahaa mid aad uga weyn inta la filayey.

Twitter

Masuuliyiinta shirkadda Twitter ee la hadlay Kongareeska ayaa sheegay in Twitter oo keliya lagu arkay 37 kun oo ah akoonno wata Link Ruush ah. masuuliyiintu waxa ay sheegeen in baadhista ay sameeyeen ay ku ogaadeen in akoonnadaas  oo ay maamulayeen kombiyuutarro ay saddexdii bilood ee ka horreeyey maalintii doorashadu dhacday ee 8da Noofambar 2016, direen 1.4 Milyan oo farriimood oo dadka akhristay lagu qiyaasay 288 Milyan oo qof. farrimahaas ayaa ahaa kuwo siyaasi ah oo farogelin ku ah doorashada.

Facebook

Masuuliyiinta Facebook ayaa iyaguna golaha Kongareeska ka hor sheegay in qiyaas ah 126 Milyan oo macaamiisheeda ka mid ah, oo weliba badankoodu yihiin dad baadhitaannadu muujinayaan in ay yihiin dadka codaynaya, ay akhristeen warbixinno iyo farriimo kooban iyo qoraallo kale oo ka yimid ilo Ruush ah.

Shirkadda Facebook ayaa bishii aynu soo dhaafnay ee Oktoobar waxa ay shaaca ka qaadday in xilligii lagu gudo jiray ol’olaha doorashada Maraykanka ee sannadkii 2016 ka ay dad iyo shirkado Ruush ahi Facebook ka iibsadeen adeeg xayeysiis oo qiimihiisu ka badnaa 100 kun oo doolar. Facebook waxa ay sheegtay in xayeysiisyada faafinayeen dhinacyadan Ruushka ahi ay ahaayeen farriimo muran badani ka dhashay.

Google

Dhinaca kalana Kennet Walker oo ah lataliyaha guud ee sharciga ee shirkadda Google iyo agaasimaha ammaanka xogta ee shirkadda ayaa Kongareeska Maraykanka ka hor caddeeyey in wakaaladda baadhista Internet ka ee dalka Ruushku ay laba akoon oo uga furan barta bulshadu ku xidhiidho ee Google ku faafisay dacaayado khuseeyey doorashada.

Masuuliyiintan ka socda Google waxa ay Kongareeska u caddeeyeen in wakaaladdan Ruushka ahi ay bixisay lacag dhan 4700 oo doolar si farriimaheeda ay shirkadda Google u sii faafiso una gaadhsiiso dad badan oo ka mid ah macaamiisheeda. Waxa aanay ku doodeen in farriimahani aanay shakhsiyaad gaar ah ama goballo gaar ah khusayn, sidaas awgeedna ay u ogolaadeen faafinteeda.

Labada Masuul waxa kale oo ay sheegeen in xilligii ololaha doorashada Maraykanku socotay ay qabteen 18 kanaal oo ah barta You Tube oo Google ay leedahay. Kanaalladan ayaa lagu faafinayey muuqaallo la xidhiidha ol’olaha oo ku baxayey afka Ingiriiska, waxa aana ka muuqatay in ay ahaayeen xayeysiisyo ujeeddooyin siyaasiya leh. Waxa kale oo kanaalladan You Tube lagu faafiyey farriimo isugu jira Cod iyo maqal iyo muuqaal oo tiradoodu gaadhayso Kun boqol iyo siddeed, oo isku darkooda soconaya 43 saacadood. Dadka daawadayna ay tiradoodu gaadhay 309 kun oo qof.

Laakiin Walker waxa uu sheegay in aanay shirkaddoodu wax caddayn ah u haynin wararka sheegaya in shabakadda Talefishanka Ruush ee RT oo ay dawladdu leedahay uu khalkhal iyo bed-beddel ku sameeyey xogo ku jiray You Tube.

Xogo dheeraada

Cilmibaadhayaal sannadkii hore loo diray in ay ogaadaan farogelinaha internet ka loo adeegsado ee lagu samaynayo bulshada Maraykanka ayaa ogaaday in sannadkii 2016 ay jireen dadaallo muuqda oo baraha bulshada loo adeegsanayey in la faafiyo hadallo iyo macluumaad qaldan oo dadka caddaanka ah ee Maraykanka la gelinayo cuqdad iyo cadho in ay u qaadaan dadka madowga ah. Waxa kale oo la faafiyey dacaayado fool xumeeyey shaqada iyo dadaalka ururrada bulshada iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka arrimahaas oo dhammaantood looga gol lahaa in dadka caddaanka ah guud ahaan iyo dumarka la nacsiiyo Hilary Clinton. Waxa ay daraasaadkaasi caddeeyeen in xogahani ay si weyn u caawiyeen Trump.

Masuuliyiinta waaxda fulinta ee shirkadaha Twitter, Facebook iyo Google ayaa hortagay Kongareeska oo sida dhibicda ugu hooriyey su’aalo ku aaddan tallaabooyinka ay ka qaadeen kooxaha isticmaalayey barahooda ee farogelinta ku samaynayey doorashada.

Xildhibaanno iyo xeeldheerayaal Maraykan ah ayaa iyaguna sheegay in ay aad uga xun yihiin farogelinta baaxadda leh ee ay codbixiyaha Maraykan ku sameeyeen kooxaha budhcadda internet ka iyo wakaaladda daraasaadka ee Internet ka ‘Internet Research Agency’oo xarunteedu tahay Ruushka.

Waxaa la filayaa in xogahan muujinaya farogelinta Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 ay weli yihiin kuwo kooban oo hordhac ah, waxa aanay saadaalinayaan in marka hore loo sii gudo galo baadhitaannada imika bilowday la heli doono xogo aad u badan oo muujinaya in farogelintu ay ahayd mid aad u weyn oo si dhaqso ah oo baaxad leh u khalkhal gelisay codbixiyaha Maraykanka.

Waxaa aad loo aaminsan yahay in doorashadii Maraykanka ka dhacday sannadkaas 2016 ay marwo Hillary Clinton ku guulaysan lahayd haddii aanu Ruushku farogelin ku samayn lahayn cod bixiyaha iyo nidaamka geeddi socod ee doorashada xisbiyada ta guud labadaba.

Ruushka ayaa aad uga soo horjeeday in Hillary Clinton ay madaxweyne ka noqoto dalka Maraykanka, isaga oo sida muuqata ka daba socda cadaadis iyo is-fahmi waa badan oo dhex maray xilligii ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda, isla markaana ka aargoosanaya madaxweyne Obama oo intii uu talada hayey Ruushka kula dhaqmay diblumaasiyad aad u fogeynaysa, iyada oo la og yahay in Hillary Clinton ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee siyaasaddaas dhaqangelinayey.

Waxa uu Ruushku filayey in Trump uu noqon doono hoggaamiye ay is fahmi karaan ama dano badan oo uu leeyahay marsan karo, laakiin waxa ay hadda u muuqataa in dadaalkaas Ruushku uu galaafan doono ama ugu yaraan hoggaamiye bilaa awood ka ah dalkiisa ka dhigi doono madaxweyne Donald Trump, sababtuna waa cadaadiska gudaha Maraykanka ka saaran Trump oo ku kallifaya in uu Ruushka iska fogeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here