Shirkada Telesom Oo Soo Bandhigtay Hadimooyin Ay Ka Tirsanayso Xukuumadaha KULMIYE

49
4988

Hargeysa(Geeska)-Maxamed Cali Yuusuf Alloore oo ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa shirkada isgaadhsiinta caanka ku ah ee Telesom, ayaa sheegay inay cabasho weyn ka qabaan dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland gaar ahaan xukuumadihii ka dhashay xisbiga Kulmiye.

Masuulkan ayaa sheegay inay si rasmi ah u fulinayaan maanta inay meesha ka saaraan adeegii Zaad qaybtiisa doolarka ee boqol ka yar, waxaanu xukuumadii madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse ku sifeeyay kuwo ka shaqaynaayay sidii ay dib u dhac ula kulmi lahayd shirkada Telesom.

Maxamed Cali Yuusuf Alloore waxa uu sheegay in xukuumadu ay ka joojisay fidinta adeega korontada ee shirkada, Kaybalkii badda la soo marinaayay iyo arimo kale oo horumar balaadhan shirkada u soo kordhin lahaa.

Maxamed Alloore ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay “Caqabadaha waxa ugu horaysay markii shirkadan la aas aasayay, buuraha ayaa loo diidi jiray, meel aanu bir ka taagano iyo magaalooyinka gudahooda ayaa naloo diidi jiray, waxaas oo dhan oo caqabadii aasaaska ahayd Telesom waa ay ka soo gudubtay. Waxa kale oo ka mid ah caqabadaha dawladihii kala danbeeyay haw badato dawladii Kulmiye, dawlada maanta joogta iyo dawladii ka horaysay labaduba waxa ay aad iyo aad socodkeedii dib u dhigeen Telesom, waxa ay dawlada hadda jirta iyo tii horeba ay ku taagan yihiin korontadii shirkada oo aan loo ogolayn inay xadhko jiido, iyada oo loo xidhay Sompower, waxa ka mid ah dhibaatooyinka shirkada haysta markay sidaa aragtay waxay doonatay kaybal, waxaana loo diiday kaybalkaas ogolaanshii ay bariga ku keeni lahayd, waxa uu ku jiraa kaybalkaasi badda dhexdiisa, waxaana loo diidan yahay inay bariga soo dhigto.”

Masuulkan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa ay sharciga u jabisay dawladii Siilaanyo Somcabale, sharcigii dalka yaalay ee dastuurka ahaa ee inaga wada dhexeeyay ee qofna aanu qof kaga sarayn ayaa loo jabiyay, baarlamaanka ayaa la dhex dhigay oo gacanta u taagay sidaas ayuuna sharcigaasi u noqday mid Telesom ku jiifsada.Telesom waxa ay dalka u abuurtay shaqaale badan, taasna waxaan u malaynayaa in aanay maanta cid isku diidaysaa aanay jirin, waxay isku xidhay gobalada iyo degmooyinka Somaliland iyada oo gobalada iyo degmooyinka dalka ay aad iyo aad u adkayd sida war laysu soo gaadhsiiyaa, waxa ay sumcad weyn u soo jiiday dalka Jamhuuriyada Somaliland.”

Waxa uu Maxamed Aloore ku dhawaaqay in shirkadu ay joojisay waxii boqol doolar ka yar”waxa la joojiyay oo baritoole joogsanaaya ( Maanta ) oo ay maanta ugu danbaysaa ( Shalay ), waxii boqol doolar ka yar, arintaas Telesom waa ay la qaadatay dawlada, haddii danta bulshadu ay ku jirto oo ay sicir barar dajinayso kuwa helaaya ayaanu ka mid nahay.”

Ugu danyantii waxa uu masuulkan ka tirsan shirkada Telesom sheegay inay qabaan cabasho “Ugu horayn Alle ayaanu u cabanaynaa, mar labaad waxaanu u cabanaynaa madaxweynaha Somaliland md.Muuse Biixi Cabdi, waxaanu leenahay mudane madaxweyne miyaanan ahayn muwaadiniin, ma ajaanib ayaanu nahay, miyaanan dalka maalgashi galin oo maanta hadaanu meelo kale tagi lahayn dhalashooyin nala siin lahaa, waxaanu leenahay mudane madaxweyne arintayada hoos u eeg, oo arintu waxay ahayd shilinka Somaliland ayaa kor loo qaadayaaye, haddii la gartay inay kor u qaadayso waxba kama qabno in laga joojiyo doolarka, laakiin laanta xaq ayaanu u leenahay dadka fidinaaya inaanu ka mid noqono.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here