Shirkada Gamuur Oo Xarun Ganacsi Oo Casriya Furtay

0
933

Hargaysa(Geeska)-Shirkada ganacsi ee Gamuur ayaa furtay Funiture cusub oo casriya, oo lagu iibin doono Adeegyada kala Gadisan ee Ka Kooban yahay Funiturku sida Sariiraha Qalabka La Dhigo Xafiisyada Doomaha iyo Laashashka, waxaana lagu furay xaruntan  Magaalada Hargaysa  Munaasabadii lagu  Daah-furka xarunta  Gamuur Furniture Mall ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xuseen Aadan Cige Dayr Wasiir ku xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Madaxweyne Ku xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Maayar Ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Cago Weyne Ganacsato Madax Dhaqameed Xildhibaano Haween Iyo Marti Sharaf Kaloo Tiro Badan.

1

Ugu Horeyn Munaasabadaasi Waxaa Ka Hadlay Kana Waramay Mulkiilaha Shirkada Gamuur  Daahir Gamuur waxaanu sheegay in hamiga iyo hiigsiga Shirkadu uu yahay han iyo himilo fog halka  ay maanta taagan tahay, waxaanu yidhi "Waxaanu keenay qalab casri ah oo ka kooban kuwa la dhigto guryaha Xafiisyadda sida sariiraha miisaanta oo dhamaantood casri ah isla markaas la jaan qaadaya caalamka,xaga qiimaha hadaynu eegno waxa uu ka jaban yahay kuwa kale oo dhan,madaama oo aanu macaamiisha doonayno inaanu la saa’iro,qalabkan casriga ahi waxa uu noqonayaa Mid tayadiisu fiican tahay oo aad bulshada u qanci doona.

Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal Oo Ku Hadlayay Afka Ganacsatada Somaliland oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi "Dalkeena oo aynu maalgashano waxa ka wanaagsani ma jiraa ka ganacsi ahaan aad ayaan u soo dhawaynayaa ganacsiga casriga ah ee la dhisayo maanta xadhiga laga jaray,waxaanan odhan karaa adeega yalaa aad ayay u tayo fiican yihiin una wanaagsna yihiin,si uu ganacsigu u kobco waa in aynu dhiiri galino ganacsatadeena" .

Wasiir ku Xigeenka Amniga Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa dhankiisa tilmaamay geedi socodkii dhinaca ganacsiga ee ay Shirkada Gamuur ku talaabsatay, waxaanu yidhi ”Shirkadda Gamuur waa shirkad facwayn oo ku talaabsatay Horumar Buuxa,waa shirkadda samaysay laashashka doomaha taangiyada oo dhamaan casri ah maantana waxa ay inoogu dartay Funiture oo  ah alaabtii xafiisyada kuwii guryaha markaas waxa ay u baahan tahay dhiiri galin Ka Xukuumad ahaan waanu soo dhawaynaynaa bulshadana waxaanu leenahay halkan ayay yalaan adeeg fiicani".

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi ’Ganacsiga dalku waa uu taabo qaaday,waxaana uu gaadhay heer aynu gaadho caalamka adeegyada aynu dunida ka keeno waad arkaysaa maanta gamuur ayaa isaguna Xaga Funiture Ku Soo Biiray waxaanan odhan karaa maanta ka ganacsi ahaan waynu horumarnay xaga ganacsigana waynu ku horaynaaa xaga dunida,maanta gaanacsigan madashan laga Furay GAMUUR  FUNITURE MALL Aad Wasiirka Wasaarada Ganacsiga S/Land Xuseen Aadan Cige Dayr  oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Gamuur Funiture waa ganacsi wax tar leh bulshadana ku soo kordhinay wax tar muuqda k wasaarad ahaan waanu dhiiri galinaynaaa Ganancsiga,sida aad wada ogtihiin ganacsigu waa xor, Gamuur Funiture Mall Adeegan uu maanta bulshadda ku soo kordhiyay waa mid wax tar muuqda leh oo dadkuna u baahan yihiin inuu ganacsi kobco anaa ayaa ka wasaarad ahaan rabna,maanta adeegan aad soo kordhiseen waa mid muhiimad badna bulshada ugu fadhiya,hore doomaha iyo laashashka iyo taangiyada ayaad u samayn Jirteen bulshadii markii horeba adeegan fiican idiinka baratay ayaa maanta idiin joogta.

Sidoo Kale Waxa Munaasabadaasi Hadalo Kala Duwan Ka Jeediyey Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa C/Casiis Cagaweyne , Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax , Xildhibaan Axmed Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa Iyo sidoo kale Ugaas Xawaareeye , Iyo Injineer Xamse Maxamed Geedi oo ku hadlayey magaca Shirkada Amaana Konistarakshan Kambany ,kuwaasi oo Dhamaantooba Ku Bogaadiyey Horumarka Ay Soo Kordhisay Shirkada GAMUUR FURNITURE MALL ,

Gebagebadiina Subeer Daahir Gamuur Ayaa Shahaadooyin Gudoonsiiyey Wasaarada Ganacsiga , Wasiir ku xigeenka Amniga ,Iyo Shirkada Amaana Company.