Shirkada Bare Construction Oo Ciyaaryahanada Kooxdeeda Ku Maamustay Casho Sharaf

0
946

Hargeysa (Geeska)-Shirkada Bare Construction Company oo ka mid ah Shirkada Dhismaha ee dalka, ayaa Ciyaaryahanada kooxdeeda ku maamustay casho sharaf.

ddd

Kooxda Kubada Cagta ee Bare Construction Company oo tartankii koobka Ramadaanta ee ka socday Garoonka Xawaadle soo gaadhay Finalka, isla markaana tartankaas kaalinta labaad gashay, sidaas darteedna ayaa munaasibad casho sharaf ahayd oo si weyn loo soo agasimay aymaamulka shirkada Bare ku maamuseen Kooxdiisa.

Haddaba munaasibadii Casho sharafta ahayd oo xalay ka dhacday Fish and Steak, ayaa wax ka soo qayb galay Maamulka iyo Madaxda Shirkada Bare Construction, Tababaraha, Ciyaaryahanada, Taageerayaasha kooxda Bare Construction, waxa sidoo kale ka soo qayb galay Xildhibaano, waxaana ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay maamulka ciyaaryahanada kooxda Caydaruus Yuusuf Axmed, waxaanu  ka xog waramay dadaalka dheer ee ay muujiyeen, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay maamulka Shirkada Bare Construction Company, oo uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin.

Kabtanka kooxda Barre Axmed Ibraahim Cabdi, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay kooxdoodu soo martay, isaga oo sheegay in wax walba oo ay u baahdaan ay la garab taagnaayeen maamulka Shirkada Bare, oo uu sheegay inay yihiin niman dhalinyaro ah oo karti iyo dadaal dheeraad ah muujiyey.

Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo ka mid ah Xildhibaanda Golaha Deegaanka ee Caasimadda oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaq Ciyaaryahanada maamulka Shirkada Bare oo uga mahadnaqay qaabka ay Dhalinyarada u dhiirigelinayso una barbar taagan tahay, waxaanu sidoo kale dhiirigelin u soo jeediyey Ciyaaryahanada kooxda Bare Construction.

Maamulka Shirkada Bare Construction Cabdisalaan Cali Maxamed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mar walba hadafkoodu yahay sidii ay dhalinyarada u garab istaagi lahaayeen, isla markaana kooxdan hadba wixii awoodooda ah aanay kala bakhayli doonin, hiil iyo hoobana la garab taagan yihiin, aadna uu ugu faraxsan yahay inay heerkan soo gaadhan.

Ugu dambayntiina waxa maamulka Shirkada Dhismaha ee Bare uu abaalmarin iyo bilado guddoonsiiyey Ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa kooxda, halka Xildhibaan Ismaaciil Caga-yarena uu Tababaraha kooxda Maxamed Cilmi uu gudoonsiiyey Biladii uu ka soo qaatay Abkhazia.