“Shirguddoonka Ayaa Madaxweynaha Ku Yidhi, Golaha Maalin Casuun, Isna Wuu Ka Aqbalay”

0
1080

Hargeysa (Geeska)- Gudoomiyaha Kumeel gaadhka ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa ka hadlay casuumadda Madaxweynaha ee Barlamaanka, muddo kordhinta la filayo inay Guurtidu u sameeyso Golaha Wakiilada iyo khilaafka Xisbiyada ee dhinaca Doorashooyinka iyo Komishanka.

Gudoomiyaha Kumeel gaadhka ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Caasumadda uu Madaxweynuhu isagu yeedhay Barlamaanka ayaa yidhi “Anigu Guurtida war kama hayo, laakiin haddii aanu nahay Golaha Wakiilada, Shir-guddoonka Barlamaanka  iyaga ayaa Madaxweynaha u gudbiyey, oo yidhi Madaxweyne maalin Golaha casuun, isna wuu  ka yeelay”.

Mar aanu wax ka weydiinay khilaafka Xisbiyada ee aan wali la xalin yidhi “Guddiiyo ayaa dhex-dhexaadin wada, Waxaana ku rajo weynahay inay khayr ku dhammaato, meel fiicana hadda wax wey marayaan”

Mar aanu wax ka weydiinay muddo kordhinta loo sameeynayo Golaha Wakiilada ee uu ka trisan yahay iyo waxa laga filan karo Guurtida ayaa yidhi “Muddo kordhintu waa arin Golaha Guurtida u yaala, oo Sharciga iyo Xeerku iyaga ayuu siinayaa, lama odhan karo muddadaas kordhiya, ama soo yareeya, waa hawl iyo waajibaad dastuuriya oo ay leeyihiin, waajibkooda ayeyna ka gudan doonaan, Doorashada oo dib u dhacdaana sababo jira dartood ayey ugu dhacday dib, laakiin waxaan ku talinayaa oo cid kastaba kula talinayaa inaynu qaranimada iyo  ilaalinta nabadgalyadeena meel uga soo wada jeedsano, Doorashooyinkuna haddii ILLAAHAY yidhaahdo beri ka maalinba wey dhici doonaan, balse wax walba waxaa ka muhiimsan ilaalinta nabadgalyada iyo qaranimadeena, aynu wada ilaashano”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here