Shir Siyaasadeed Balaadhan Oo Masalaha Ku Dhex Maray Hal-doorka Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa

0
478

Hargeysa(Geeska)-Waxa gelinkii dambe ee jimcihii magaalada Hargeysa ku qabsoomay kulan balaadhan oo dhex maray bulshada ka soo kala jeeda galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa, waxaanu kulankani ka qabsoomay xaafadda masalaha ee magaalada Hargeysa.

wwwwwwwwwww

Kulankan oo ahaa kulan siyaasadeed, waxa dalabkiisa lahaa bulshada galbeedka Burco oo si balaadhan kulanka uga qayb galay, waxaana gogosha fidiyay bulshada koonfurta Hargeysa. Sida ay dad xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, ergada ka socotay galbeedka Burco oo qaarkood ka yimaadeen ilaa Ceerigaabo, ayaa bulshadan koonfurta Hargeysa ka codsaday inay uga fadhiyaan sidii ay sabankan codkooda u siin lahaayeen xisbiga Waddani oo la filayo inuu murashax madaxweyne u noqdo Cabdiraxmaan-Cirro, iyagoo halkaas ku soo bandhigay xaal iyo raaligelin ay ka bixinayaan tabashooyin siyaasadeed oo ay bulshada Hargeysa ka tirsanayeen, gaar ahaan labadii goor ee uu is sharaxay guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Ergada reer Burco ayaa waxay sheegeen in si kasta oo ay wax u dhaceen ay dusha u ridanayaan khaladkaas hore islamarkaana ay hadda u fadhiyaan sidii ay Koonfurta Hargeysa uga heli lahaayeen codkii walaaltinimo.

Odayaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsato iyaguna ka soo jeeda koonfurta Hargeysa oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay reer Burco ugu soo dhiiradeen koonfurta Hargeysa, waxaanay sida warku sheegay uga mahadceliyeen laab-furnaanta ay muujiyeen. Waxaanay dhinacooda balan qaadeen inay u hawlgeli doonaan sidii ay bulshada ay ka soo jeedaan codkooda u siin lahaayeen Xisbiga Waddani iyo murashaxooda la filayo ee Cabdiraxmaan-Cirro, iyagoo dhinaca kalena talooyin ku saabsan geedi socodka doorashada siiyay, waxaanay halkaas ka sheegeen in dhawaan ay xisbiga Waddani ka dhex hilaaci doonaan dad magac leh oo bulshadan ka soo jeedaa.

Waxaana ugu dambayn halkaas lagu magacaabay guddi ka shaqayn doonta isku xidhnaanta iyo sii wadista shirarka siyaasadeed ee labadan deegaan ee Hargeysa iyo Burco.

Kulanka, ayaa sida ay wararku sheegayaan shakhsiyaadka ka qayb galay waxay ahaayeen rag culus labada dhinacba, waxaanay isugu jireen madax dhaqameed, siyaasiyiin, ganacsato caan ah, dhallinyaro iyo odayaal bulsho oo ka soo kala jeeda Hargeysa iyo Burco, waana kulankii ugu horeeyay ee miisaankan leh ee dhex mara labada shacab.