Shir-Gudoon Wakhtigiisii Dhamaaday Oo Faro-galiyay AWOODIHII Gudoomiyaha Iyo HOGGAANKA Xisbiga: Qoraa: Mohamed Abdikarim Omer

0
885

Picture6Bulshaale wad buu sidaa , Bahdoon buu maaggan yahay ,Ul boocuu ugu tukubay, Berdaa lagu kala negaa,  Dhexdoodii buu ka baxay, Dhammaa beydbeydsigii, Ban weyn baa layska helay, Fallaadhuhu gun iyo baar Bartii shiishkay hayaan, Biciidkuna wuu arkaa (Hadraawi-Bulsho)

29-04-2014 Waxay ahayd Maalintii labaad ee shirwaynaha xisbiga kulmiye, madasha waxa ku sugan ergooyinkii  wax dooran lahaa waxna ansixin lahaa waxa goobtaa lagu doortay shirgudoonkii hagi lahaa shirwaynaha  xisbiga, ugu horayn  shirgudoonka waxa u hadlay gudoomiyaha shirgudoonka, gudoomiye ku xigeenka ugu danbayntiina xoghayaha.

Xoghayaha shirka ayaa ugu horayn sharaxay shaqada ay qaban doonaan , waxa uu  sheegay in ay laba qodob hirgalin doonaan:

1). Doorashada hogaanka xisbiga. 2). Doorashada Golaha dhexe.

Hadaba Shir-guddoonka oo cimrigiisu la gabo-gaboobo shirwaynaha ayaa si badheedha u faro-galiyay awoodihii Gudoomiyaha iyo hogaanka xisbiga, waxay baal mareen anshaxii habdhaqankii, milgihii, xurmadii iyo dhawritaankii sharciga xisbiga. waxay ku xadgudbeen oo ay danbi ka galeen sharcigii xisbiga kulmiye. Dastuurka xisbiga kulmiye Qodobkiisa 56aad, faqradiisa anshax marintu waxa dhigaysaa, haddii uu ku xad-gudbo dastuurka xisbiga, xeer-hoosaadka gole, waxa xubinta geftey la siinayaa ganaax ah, Canaan af ah, Canaan Qoraal Ah, Digniin Qoraal ah, Ganaax lacageed , kala noqoshada xubinnimada xisbiga.

Dhacdadan foosha xun ee lagu kicinayo dadwaynah, iyadoo guuxa iyo sawaxanku isqabsaday magaalooyinka waawayn ee wadanka oo dhan, gardarada badheedhka ah iyo beenta aan geedna loogu soo gaban ee wax loogu dhimayo garashadii iyo caqligii dadwaynaha, iyadoo TVyada  lagala socday shirwaynaha xisbiga kulmiye sidii uu u dhacay.

Taageerayaasha xisbiga kulmiye waxa ay si wayn u ogyihiin una xusuusan yihiin gacantii waynayd ee uu wasiir Caddami ku lahaa guuldaradii xisbiga kulmiye ee 2003dii doorashada lagaga guulaystay, guuldaradaas oo loo tirinayo Cadami oo ahaa gudoomiyhii komishanka doorashooyinkii markii uu ku kacay wax isdaba marin iyo dagaal toos ah oo uu ka galay sanduuqii ballay calanle Md. Siilaanyana uu sidaa ku dhacay.

Haddaba  Shirgudoonkan xisbiga oo shaqadii loo dirtay ahayd inay qabtaan liisaska ay soo gudbiyaan beeluhu, waxay ka been abuureen liisaskii beelaha, waxa madaxtooyada looga soo yeedhiyey magacyo gaar ah badankoodu aan metalin beelahoodii balse daacad u ah madaxweyne Siilaanyo, been abuuradkaas oo ah qalad laga galay beelaha iyo xisbiga labadaba waxay tani horseedaysaa khilaaf xoogan oo ka dhasha xisbiga kulmiye. Somalidaa hore u tidhi nimaan ku furayni yaanu kuu rarin, dagaalkan cad ee Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisu u caddaysteen shacabka, Saxaafada iyo xisbiyada qaranku waa dariiqii iyo dhabihii uu Daahir Riyaale wasiiradiisu ku hadoodleen gabagabadii mudo xileedkiisa. Hadaba wasiiradan qaylinayaa waa gardaro garab oge, waxay indhaha iskugu soo qabteen khalkhal galinta amniga wadanka iyo ku takrifalka hantida dadwaynaha iyagoo dhaqan ka dhigtay ku tumashada sharciga wadanka. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa awood dastuuri ah u leh soo xulista gudida fulinta, waxaa sidoo kale uu mudaynaya shirka golaha dhexe, Gudoomiyuhu wuxuu gudoomiyaa kulanka ugu horeeya ee golaha dhexe si loo doorto Guddoomiyaha golaha dhexe, ku xigeenka iyo xooghaye. Gudoomiyuhu markuu soo xulo golaha fulinta wuxuu u soo gudbinayaa golaha dhexe oo ansixinaya.

Hadaba, shakhsiyaadkan kooban ee ka mid ah shirgudoonkii ee dar-jiidhay, waxa laga sugayay inay soo gudbiyaan liiska beeluhu soo gudbiyeen iyo warbixintii sidii uu shirku u dhacay . ku dhawaaqista liisaska qarqooshka ah waxay ku koobnayd wasiir cadami, oo shaqadiisa ilaashanaya iyo Faahiye. Ugu danbayntii, Tallaabooyinkani waxay soo cimri-dadajinaysaa dhicitaanka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, hadii aanay waxgaradka iyo salaadiinta beeshiisu ka kala firdhin wasiiradan ku xoonsan madaxwaynaha, oo ujeedadoodu tahay kala furfurida xisbiga kulmiye iyo heshiisyadii hore loo galay oo cid walba dan u ahayd.

Ninkii ballankaaga qaaday, Ka baaqday xilkaad u dhiibtay, Ka baydhay ujeedadaada, Buurtuu koray waarin mayso, Heddiisana baajin mayso, Kub iyo bawduu ka jabi