Shiinaha Oo Soo Saaray Diyaarado Farsamadooda Uu Ka Xaday Dalka Maraykanka Iyo Dood Ka Dhalatay

0
4639

Beijing (Geeska)- Dalka Shiinaha ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxa uu soo bandhigay diyaarado aan duuliye lahayn oo ah nooca CH-7 oo lagu naanayso, ‘Diyaaradaha dhuunta’. Farsamada diyaaradahan lagu sameeyey waxa uu Shiinuhu ka xaday dalka Maraykanka.

Shiinuhu waxa uu sheegay in diyaaradan aan duuliyaha lahayn farsamadooda lagu hal-abuuray laguna horumariyey dalkiisa gudhiisa, laakiin dadka u dhabbagala dhaqdhaqaaqyada milateri ee quwadaha adduunka ayaa tilmaamaya in diyaaraddan laga soo dheegtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka. Gaar ahaan nooca loo yaqaanno X-47B oo ay isticmaalaan ciidamada badda ee Maraykanku.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, diyaaraddan la aaminsan yahay in farsamadeeda uu Shiinuhu xaday, waxa uu dhererkeedu gaadhayaa 10 Mitir, ballaceeduna 22 mitir, taas oo macnaheedu yahay in ay le’egtay diyaaradda X-47B ee Maraykanka ah.

Diyaaraddan ‘Drone’ ka ah ee Shiinuhu soo saaray waxaa saaran mishiin awood u leh in uu galo duulimaad jooggiisu yahay 13 kun oo mitir, oo badda dusheeda ah, halka xawaaraheeda uu sarreeyaana uu gaadhayo 919 kiiloomitir saacaddii, taas oo mar kale la mid ah xawaaraha diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka “X-47B” diyaaraddan ayaa leh keyd gantaalo qarsoon ah oo burburin kara bartilmaameedyada ay ku rakiban yihiin gantaalaha lidka shucuuca iyo gantaalaha riddada dheer ee dhulka. Diyaaraddani waxa ay awood u leedahay in ay joog aad u sarreeya ku duusho, xawaare sare iyo in aanu raadaarku arki karin, waxaa intaas u dheer kamaradaha iyo qalabka ku rakiban oo ah mid aragtidiisu aad u heersarrayso. Waxa kale oo ay leedahay nidaam weerar oo iyada oo aan la arkin ay awooddo in ay burburiso bartilmaameedyada khatarta badani ku xeeran tahay.

Masuuliyiinta Shiinaha ayaa ku doodaya in diyaaraddani ay tahay mid dalkooda gudihiisa lagu farsameeyey, laguna sameeyey. Waxa aanay ku sheegeen diyaarad loo sameeyey in ay la mid noqoto diyaaradda Maraykanka ee ‘X-47B’ iyo diyaaradda ‘RQ-180’ ee uu sameeyo dalka Faransiiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here