Shiinaha Oo Curiey Samayska Baabuur Bas Ah Oo Xilliga Saxmadda Si Dhib Yar Baabuurta U Dul Marayo

0
1128

Beijing (Geeska)- Dalka Shiinaha ayaa toddobaadkan ku guulaystay tijaabada bas noociisa kii dunida ugu horreeyey ah oo awood u leh in uu dul maro gaadiidka yaryar xilliga saxmadda, taas oo aad loo rajaynayo in uu si weyn uga qayb qaato yaraynta cidhiidhiga waddooyinka ee dalkaas ka jira.

wwwwwwwww

Baskan cusub jooggiisu waa 21.6 Mitir, dhererkiisuna waa 300 oo mitir, halkii mar waxa uu qaadayaa 300 oo rakaab ah, waxa aana suurtogeli karta in sida tareenka la isku daba xidho afar bas oo noocan ah. Baskan oo markii ugu horreysay la soo saaray sannadkii 2010kii, waxa uu aad u yaraynayaa saxmadda iyo cidhiidhiga jidadka magaalooyinka, samayskiisuna waa uu ka qiime jaban yahay tareennadana. Arrinta xiisaha lihi  waxa in baabuurta caadiga ahi baskan iska hoos mari karaan sida biriishka haddii uu taagan yahay iyo haddii uu sicdaba. Sidaa awgeed meelaha saxmadda ah waa uu iska dul marayaa.

Baskani waxa uu ku shaqaynayaa koronto, maadaama oo uu halkii bas u dhigmayo 40 basaska caadiga aha waxa uu badbaadinayaa shidaal badan oo Afartankaa bas ku bixi lahaa taas oo iyaduna dhinaceeda qayb ka qaadanaysa in la dhimo wasakhowga magoolyinka oo qiiqa gaadiidku dhib weyn ku yahay.