Sheekhada Jasiiradda Qashinka Ah Ee Maraykanka Oo Afar Jeer Ka Weyn Dhulka Uu Ku Fadhiyo Dalka Jarmalku

54
2983

Washington (Geeska)- Jasiiradda Qashinka ah ee lagu magacaabo Great Pacific Garbage Patch, waa qashin ka samaysmay balaastikada kala duwan ee siyaabaha kala duwan badda ku soo galaya ama loogu qubayo, oo inta ay waslad weyn isku noqotay biyihii qarisay.

Warbixin cilmiya oo dhowaan soo baxday ayaa lagu sheegay jasiiraddan lagu magacaabo ‘Great Pacific Garbage Patch’ ee ah qashin baco, balaastikada taayirrada gaadiidku ka mid yahay iyo wasakho kale ah oo dul sabbaynaya biyaha woqooyiga badda deggen (Pacific) ay ku taallo badda u dhexeysa goballada California iyo Hawaii ee dalka Maraykanka.

Qashinkan ayaa lagu cabbiray in uu yahay 79 kun oo ton, dhulka ay ku fadhidaana waxa uu dhan yahay 1.6 Milyan Kiiloomitir oo afarjibbaaran. Waxa aanay afar labaa ka weyn tahay, bedka uu ku fadhiyo dalka Jarmalka. Taas baaxadda ay leedahay iyo sida ay biyihii hoos u wada gashatay awgeed loogu masaalay in ay tahay jasiirad laakiin aan ahayn dhul hoos ugu taagan gunta biyaha balse ah mid sabbaynaysa.

Daraasad lagu faafiyey majaladda ‘Scientific Reports’ oo ka soo baxda dalka Maraykanka, waxa ay intaas ku dartay in sannadihii u dambeeyey ay soo baxaysay qayladhaan ay saynisyahannadu kaga digayeen in badaha waaweyn ee dunida ay ku soo badanayso khatarta ay ka mid tahay ‘Neefqabatowga’ ee ka dhalanaya wasladaha balaastikada ah ee tiradoodu ka badan tahay Tirilyannada ee badahan lagu qubayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here