Sheekha Azhar Oo Sheegay In Reer Yurub Ay Jannada Gelayaan Cadaab La’aan Iyo Xujada Uu U Cuskaday

0
814

1Qaahira (Geeska)- Wadaadka ugu sarreeya Azharta Masar, Sheekh Axmed Dayib ayaa fatwooday in dadka reer Yurub uu xukunkooda caqiidadu noqonayo xukunka ay shareecada Islaamku siisay dadka ay ugu yeedhay “Ahlu Fitrah” kaas oo ah in aanu Alle aakhiro cadaabayn. Isaga oo arrintaas sababaynayana waxa uu yidhi, “Alle cadaabi maayo, waayo baaqii diinta ee Nebi Muxammed (SCW) ayaa ku soo gaadhay hab qaldan, oo khiyaamo ku jirto oo laga yaacayo”

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Qudus Al-Carabi ayaa lagu sheegay in Dayib uu arrintan ka sheegay barnaamijkiisa laga sii daayo Talefishanka Masar iyo Talefishanno kale, “Dadka reer Yurub imika wax aqoon ah uma laha Islaamka, waxa keliya ee Islaamka la xidhiidha ee ay talefishannada ka arkayaanna waa dil iyo wax la mid ah, sidaa awgeed xukunkoodu waxa uu noqonayaa uun xukunkii dadkii Ahlu-Fitra loo yaqaannay, waayo cilmigii diinta ayaa ka maqan, sidaa awgeed sidee ay u dhacaysaa in uu Alle (SWT) cadaabo dad sidaa dadka reer Yurub xaalkoodu yahay, oo aan waxba ka garanayn Nebi Muxammed (SCW), sawir sax ahna aan ka haysan, waxaa iyaguna la xukun ah dadka sanamada caabuda ee ku nool kaymaha Afrika (Cawaanka), ee aanay gaadhin baaqa dadka aan Islaamka ahayn diinta ugu baaqaysa, amaba si fool xun oo laga didayo inta ay u gaadhay, ay taasi ku qasabtay in ay nacaan Islaamka iyo Nebigii Islaamka (SCW)” ayaa uu yidhi Axmed Dayib.

Sheekha Az-har waxa uu dhinaca kalana gaabis ku eedeeyey culimada Muslimiinta oo uu yidhi, “Waxaa jira gaabis ka yimid culimada Islaamka oo ay ka gaabiyeen in ay dhambaalka Diintan dabacsan ee cafiska ku dhisan ee Islaamka ay gaadhsiiyaan dadka aan rumaysnayn ama dadka sanamada caabuda, waa gaabis labada dhanba ka yimid: Marka koowaad waxaa laga aamusay in baaqa Islaamka la gaadhsiiyo dadka, si kuwii doonaa ay u rumeeyaan, kuwii doonaana ug gaaloobaan (Oo ay u kala baxaan gaal iyo muslim), mar labaadkana Islaamkii ayaa loo sawiray qaab fool xun oo qaybsan oo qaladaad iyo fool xumo la dhex geliyey”

Sheekha Azhar oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Dadka Faafinta diinta Islaamka ka wada Afrika, uma’ tagaan dadka sanamada caabuda, laakiin waxa ay u tagaan dadka Muslimiinta sii ahaa, oo ay ku yidhaahdaan, Idinku Mad-habta Ashcariyada ayaa aad haysataan oo Gaalo ayaa aad tihiin ama idinku Suufiyaal ayaa tihiin oo waa gaalowdeen, sidaa awgeed waa in aad mar kale dib ugu soo noqotaan xayndaabka Islaamka, waa dadaal iyo dhaqaale la khasaarinayo, waayo aragtida ay ka duulayaan ayaaba ah mid aan sax ahayn marka Islaamka loo eego. Qaar badan oo dadka diinta faafinaya ka mid ah ayaaba aaminsan tusaale ahaan, in Suufiyiinta oo lala dagaalamaa ay ka horreyso oo ay ka mudan tahay in dadka Sanamka Ilaaha ka dhigta diinta Islaamka la baro”

Wadaadka Azhar oo caan ku ah hadallo iyo Fatwooyin muran badan ka dhex dhaliya dunida Muslimka ayaa ugu dambayntii Fatwadan cusub ee uu Geeska Afrika soo turjumay waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Maxaa laga filan karaa diin culimadeedii badhba, badhka kale gaalaysiinayo, mid kastaana ka kale la dagaalamayo”