Sheekh Shariif Oo Difaacay Xidhiidhka Imaaraadka Carabta Iyo Soomaaliya, Farmaajana Baaq U Diray

35
3408

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu xal u helo khilaafaadka soo kala dhex galay Imaaraadka Carabta.

Sheekh Shariif oo u waramay telefishanka Al Carabiya, wuxuu aad u difaacay xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo uu ku tilmaamay mid qadiimi ah oo kaba horeeyay dawladnimada UAE iyo Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabtu hoy u noqday Soomaali badan, ka dib dhibaatooyinka badan, isagoo xusay in Soomaali badani ay nolol wanaagsan ku haystaan UAE.

Mar wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Heshiiska Iskaashiga Milliteri ee labada Soomaaliya iyo UAE, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Heshiiskaasi isagu la saxeexday Madaxda Imaaraadka,  si loo tababaro Ciiddanka Somaliya oo xilligaas dagaal adag kula jirtay Alshabaab, sida uu sheegay, wuxuuna  u mahad celiyey Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Al-nahyaani iyo Ku-xigeenkiisa, ahna Amiirka Dubai, Sheekh Maxamed Bin Raashid oo uu sheegay inuu saxeexday heshiiskaas.

Wuxuu sheegay inuu dhawaan la kulmay Farmaajo oo ay ka wada tashadeen Xiisadaha Taagan, isla markaana uu Aragti ahaan rumeysan yahay in loo baahan yahay in Khilaafka lagu xaliyo Wada-xaajood Diplomaasiyadeed, maadaama ay Somaliya ka maarmi Karin xidhiidhka dalalka Carabta iyo kuwo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here