Sheekh Dirir Oo Farriin Waano Ah U Diray Xildhibaanada Wakiilada

0
722

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ka mid ah Culimada dalka, ayaa ka hadlay Xeerka Baananka Ganacsiga, ee Golaha hor yaala, waxaanu ku taliyey in la joojiyo, oo Shareecada loo soo bandhigo, Culimadana wax laga weydiiyo. 

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Taladaydu waa iska joojiya, oo shareecada u bandhiga, waana in shareecada loo bandhigaa oo cidda aqoonta u leh la weydiiyaa,oo markaas haddii la yidhaahdo waa baadil, waa baadile waa in laga joojiya”

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo khudbadii Jimcaha ku soo qaatay dhibaataada ay ribadu leedahay, ayaa sidoo kale sheegay inay ribadu tahay dambi, waxaanu yidhi “Walaalayaal waxaa iyaguna jira  oo waxyaabaha inoogu dhib badan maanta ka mid ah ribada oo sharci loo samaynayo, wey kala duwan yihiin waxa uu shaqsigu u cunayo xaarantii, iyo marka Sharci loo sameeyo ee la xalaaleeyo, macnaha waxaas quraankii baa ka hadlay oo ayaadahaas ayuu ILLAAHAY kaga hadlay,axaadiistii Rasuulka ayey ku caddahay, muslimiintii baa isku ijtimaacay oo waa la isku waafaqay, dhibkay leedahayna waaqica ayaynu ka arkaynaa, runtiina waa nasiib darro aad iyo aad u weyn In la xalaaleeyo oo la yidhaa dalka waa lagaga shaqayn karaa dadkuna waa ay ku shaqayn karaan, waxaana ay la mid tahay uun tii berigii hore aynu ku canaananaynay ee ay ku eedaysnaayeen maamulladii hore ee odhan jiray dhaxalka ragga iyo dumarku way siman yihiin, waayo aayadaha ribada sheegay iyo aayadaha dhaxalka sheegay waxaa sii canaan iyo culays badan kuwa ribada sheegay, markaa waa nasiib darro aad iyo u weyn,ILLAAHAYNA  waxaa uu qur’aankiisa ku leeyahay ‘kuwa rabada watoow’ dagaal ogaada ILLAAHAY iyo rasuulkiisa idinkaga iman doona”.

Sheekh Dirir mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Golaha Sharciga wad-wadaa waxay doorkii hore sheegeen inay arinta ka tanaasuuleen, laakiin ka gabo ayuun bay yara ahayd, wacdiga Wadaada, Mujtamac diidan, haddana sabtida (shalay), axada (maanta), ayaa loo coddeeynaya la leeyahay Ribada ma xalaaleeynaa, inta ogolay gacanta u taag, waxaynu habeenkii dhawayd aynu ka hadlaynay in wakhtigii iyo lacagtii korodhsadeen, idinkana abaartii idiin kordhiyeen, haddii dagaal ILLAAHAY lala galo oo ribada la xaleelayo oo xuquuqda muslimiinta iyo sharaftooda in meel lagaga dhaco la xalaaleeyo dagaalkii baa ILLAAHAY lala galay,ILLAAHAYNA abaartii buu sii kordhinayaa, halkay ahayd in loo soo noqdo, oo loo toobad keeno, habkaynu wax u sheegaynaa maaha ceebayn maaha fadeexadayn laakiin waa nasteexo iyo talo wanaagsan oo walaalaheen u jeedinayno, oo aanu leenahay naftiinana ha halaagina umaddana ha halaagina”

Sheekh Dirir isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi“Maaha kan oo keliya ee waxaa iyaguna jira kuwo kale oo ay ka mid yihiin xeerka argagaxisada oo dabcan loo samaystay in lagu xalaashado dhibaataynta iyo cabudhinta xorriyada dadka muslimiinta ah. Hadal iyo dhamaan dadka ummada u haya nidaamka waxaa aynu usheegaynaa oo farriinta aynu udiraynaa tahay inay Ummada xilkeeda Illahay kaga cabsadaan aakhirana u tudhaan”.

Dhinaca kale wuxuu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ka digay laaluushka iyo xaaranta, oo uu ku tilmaamay dambi,