Sheekh Cismaan Oo Ka Digay Halista Ka Dhalanaysa Xuska Maalinta Jacaylka Oo La Sameeyo

30
2885

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen, oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, ayaa ka digay maalinta jacaylka adduunka, waxaanu bulshada kula taliyay in la raaco dariiqada saxda ah ee ALLE adoomihiisa faray.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo ku taliyey in laga feejignaado wax kasta oo amni daro abuuri kara, xilli maalmihii ugu dambeeyey qaad la’aanta dalka ka dhacday ay keentay in la boobo qaadka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya maalinta jacaylka “Maalinta jacaylku wax banaan maaha, sharcigeenana kumay soo aroorin, maalmaha aynu weynayna kama mid aha, umaddo aynu kala diin nahay ayaa la yimid, Rasuulkuna naxariis iyo nabadgalyo korkisa ha ahaate wuxuu yidhi qofkii qolo isku eekaysiiya, iyaguu ka mid yahay, waana qadiyad aad u xun oo caqiiqada taabanaysa, maalinta jacaylkana ALLE sharkeeda ha inaga nabad galiyo, Dhalinyaraduna waa inay iska ilaaliyaan, oo waa in aanay noqon kuwa raaca gaalada, oo Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi gaalada xittaa haddii ay god afaray-dilay ay galaan waad ka daba gali doontaan, markaas Dhalinyaradu ha is ilaaliso, Waalidkuna ha feejignaado, maalinta jacaylka weynaynteeda waa lagu dambaabayaa, haddii aan laguba gaaloobin, dadka muuminiinta ayaa ah inay is jecladaan oo ALLE iyo rasuulkiisana jeclaano, ayaa la ina faray, jacayl maaha ee waxan ay ka hadlayaan waa caashaq, ee markaas wax kasta oo xumaan iyo dambi ah waa in laga feejignadaa, Baraha Bulshadana waa in khayrka iyo wanaaga loo isticmaalaa”.
Sheekh Cismaan mar uu ka hadlaayey qaadka ayaa yidhi “Waxaan quutal daruuri ahayn ee nafta, maalka, xoolaha iyo caafimaadka u wanaagsanayn in dadku amnigiisa lagu khal-khaliyo maaha, waa in ALLE laga baqaa, wax lagu dagaalamo iyo wax la isku dilo Jaadku ma mudna, iyo wax wakhti lagu lumiyo toona, wax walba waxa inooga qiimo badan amniga ee waa in amniga la ilaashado, la iskana ilaaliyo foodada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here