Sheekh Aaden Sune Oo Dawlada Ugu Baaqay Wax Ka Qabashada Masajid Iyo Guryo Laga Dhisay Cisbitaalka TB-da

0
547

Picture6Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune) oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumada Somaliland inay wax ka qabato falalka ka soo hor jeeda diinta islaamka ee ka dhacay cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadna Sune oo shalay khudbad ka jeediyey saaladii Jimce masaajidka Alfardaws ee magaalada Hargeysa ayaa waxa  kale oo uu jawaab kulul ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay agaasimaha waaxda qaaxada ee wasaarada caafimaadka oo sheegay inaanay cusbitaalka qaaxada ka dhicin wax ka soo hor jeeda diinta islaamka.

Ugu horayn Sheekh Aadan Sune oo ka hadlaya  cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa iyo wixii ka dhacay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ka hadalnay jimcihii hore in cusbitaalka TB-da ee magaalada Hargeysa la gala daalay   calaamadaha kiristaanka, laguna sameeyey guryaha iyo masaajidka ku yaala cusbitaalkaas, arintaasina may ahayn wax ku tidhi ku teen ah laakin waxay ahayd arin muhiim ah oo waaqica ku dabaqan, anaga oo koox ah oo u socona diinta ilaahay inaanu u gargaarno oo aanu u hiilino ayaanu tagnay cusbitaalkas, waxaanu is dultaagnay guryaha badan ee ku  yaala ee indhaha soo jiidanaya, iyada oo daaqadaha guryahaas si cad loogu sameeyey calaamada kiristaanka.”

 Sheekh Aadan Sune oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Cusbitaalkaas cida maamusha ee wakhtigan gacanta ku haysaa waa hay’adda World Vision,  nin sheegtay  inuu ku hadlayo agaasime waaxeedka qaybta TB-da  ayaa ku andacooday in waxaas aynu sheegnay aanay sal iyo raad toona lahayn, waxaanu sheegay inay hay’addasi tahay mid aan waxba samayn, anagu xaq ayaanu sheegaynaa oo aanu u dagaalamaynaa, xaqa dartiina been uma sheegno.”

 Sidoo kale Sheekh Aadan Sune waxa uu warbaahinta madaxa banaan ugu baaqay inay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay inuu xidhiidh fiicani ka dhaxeeyey masuuliyiinta wasaarada caafimadka Somaliland, balse masuuliyiinta cusub ee qabsadayna ay ka sugayaan wada shaqayn fiican waxaanu yidhi “Saxaafada xorta ah ee madax banaan ee dhex dhexaadka ah waxaan leeyahay maxaa idinka hor taagan inaad gashaan cusbitaalkaas oo aad soo aragtaan waxa uu ku sugan yahay waxa la dafirayana ha soo arkaane,  waxaanan leeyahay agaasimaha  ka hadlay arintan umaan qaadan wasaarada caafimaadka, anaga shaqaalaha wasaarada caafimaadka iyo wasiirkeedu aanu la macaamilnayba waxay naga mudan yihiin wanaag, waa kii culimada la shaqaynayey ee bukaankiisa u ogolaan waayey in hay’ adii Somdev  iyo Robert-kii hogaaminayey  ka soo saaray cusbitaalka, hadalkaas agaasimahana inuu hadal dawladeed yahay umaan qaadan waayo dawladii waa tii la shaqaynaysay culimada ee wixii dadka dhaqankooda, caaqiidadooda  xumaynayey ka eriday, maantana waa looga fadhiyaa,  ninkii hay’adda World vision u diidaya danbigan caqiiqada saamayey cida gaysatay keena haddii aad  hay’adaas ka maydhaysaan.”

Ugu danbayntiina waxa uu sheikh Aadan Sune xukuumada ugu baaqay inay wax ka qabato guryaha iyo masaajidka laga dhisay cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa kuwaas oo calaamada kiristaanka lagu xardhay waxaanu yidhi”Dawladan ilaahay amaanada u dhiibay xil hore way gudatay taageero iyo amaana way ku mutaysatay, tan maanta taagana waa mid la mid ah, calaamadahan kiristaanka ha ka gurto guryaha cusbitaalka iyo masaajidka oo ha ku soo celiso sidii ay dadka muslimiinta ahi wax u dhisan jireen, hana daba gasho cida ka danbaysa oo ha ku ciqaabto waxay samaynayaan,dawladana marti ayaanu uga nahay arintaas, umada islaamka ah  iyo dadka xaqa doonaya ee muslimiinta ah waxaanu leenahay ha ayidaan arintaas oo ha ku baraarugaan, cidii xaq wadana  garab istaaga, baadilkana haw gargaarin.” Ayuuu yidhi Sheekh Aadan Sune.

Dhinaca kale Sheekh Aadan Sune waxa uu amaan balaadhan u jeediyey dadweynaha ku nool xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco kuwaas oo uu sheegay inay si wadar ah uga soo wada horjeedsadeen hay’addo magaaladaasi ka samaynayey falal ka soo hor jeeda diinta islaamka.