Sheekh Aadem-siiro Oo Xuska Munaasibadda 18 May Daraadeed Soo Saaray Baaq Ku Waajahan Xukuumadda Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada

0
1209

u_36216d_2011-5-18-2-49-14f_Sheikh-Aden-Siiro-hagaag-300x200Hargeysa — Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan Siiro) ayaa soo saaray Munaasibadda Sanad-guurada 20aad ee Xuska 18ka May baaq guud oo ku socda, Xukuumadda Goleyaasha Qaranka, Saddexda Xisbi, Culimada, Madax-dhaqameedyada, Aqoonyahanada, Ganacsatada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Qorba-jooga Somaliland kaasoo ku saabsan sidii loo bad-baadin lahaa hal-gankkii ummadani u soo gashay  xorriyadooda 48sano ka dib waxaanu baaqaasi u dhignaa sidan:

Si loo badbaadiyo halgankii umadu soo gashay oo ay ka soo wareegtay 48 sanadood,waxaa haboon in aynu danta guud ee inaga dhaxeysa ka hormarino danta Gaara ee aynu leenahay.

Waxaan anigoo ka faa?iidaysanayaa munaasabadan qaaliga ah xusuusinaya naftayda iyo shacabka reer Somaliland arrimaha soo socda:-

waxaa saldhig u ah Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqanka shareecada islaamka oo ay muujineyso astaanta ugu sareysa oo ah tawxiidka calanka ku xardhan, taasi oo fulinteeda looga fadhiyo golayaasha qaranka iyo fulinta maadaama ay xilkaa qaadeen.

Waxa kale oo saldhig u ah gooni isu taaga Jamhuuridda Somaliland  oo ah dhamaan go?aanadii ka soo baxay shirkii Burco, Sheekh, Hargeisa, Ceerigaabo, Boorame. Ilaalinteeda ay tahay in umadu u dhanaato, hadii la?ilaalin waayana ay keeneyso burbur.

Waxaa kale oo ah waxyaalaha saldhiga u ah Jamhuuriyadda Somaliland ee dawladnimodeenu ku dhismeyso in aanay dalkan ka jirin qabyaalad ka hooseysa Somaliland si aynu u dhisno qaran mida oo hore u socda.

Waxa kale oo ka mid ah saldhigyada qarankan ku dhismi karo, in la helo hogaan toosan, aqoon leh, karti badan wada tashi ku wada dalka kana kooban dhamaan gobolada dalka oo dhan.

Waxa kale oo qarankani ku badbaadi karaa talada dalka iyo hantida umada in si siman loo qaybsado oo cadalada. Taasi oo ka qayb qaadata midnimada umada.

Waxaa kaloo qarankani ku badbaadi karaa horumarna ku gaadhi karaa, in fursad la siiyo dadkeena, aqoonta, kartida iyo toosnida leh ee aan hore jaanis loo siin.

Waxaa kale oo qarankani ku badbaadi karaa horumarna ku gaadhi karaa, in dhalinyarada oo ah xooga ummada in la hawl galiyo lana jiheeyo shaqana loo abuuro, si aynu ugu badbaadno aafooyinka dhalinta haysta.

WAXAAN KA DIGAYAA marna aanaan ogolaaneyn in umada burburinteeda loo isticmaalo shaadh diineed.

Waxaan ka digayaa in awooda dawladnimo ay cid gaari ka faa?iideysato iyadoo si gaara u isticmaaleysa oo ka baxsan wixii lagu heshiiyey. Waxaan kula talin lahaa qofka aan ku qanacsanayn waxaa umadu ay ku heshiisey,       inuu umada ka daayo dibindaabyada oo uu tago meesha uu ku qanacsan yahay, si aanu  umada khalkhal u galin.

Waxaa qarankani ku horumari karaa in la dhiiriyo ganacsiga xorta ah cashuurahana la dabciyo si nolosheenu kor ugu soo kacdo iyo ganacsigeenu.

Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in cashuurta ay bixiyaan si awoodeena dhaqaale u kobocdo. Waxaa dadkeenu ay ku noolaayeen xoolaha nool iyagana waa in laga saaro kootada oo laga dhigo ( free ).

Waxa Qarankani ku badbaadi karaa shaqaalaha oo la daryeelo oo la siiyo wax macquula si looga hortago musuqmaasuqa.

Waxa Qarankani ku badbaadi karaa iyadoo la sameeyo garsoor toosan oo hufan ( waayo Rag gogoshii waa cadaalad ).Umad horumarkeeda maamul waxa laga eegaa tayada hay?adaha garsoorka iyo xeer ilaalinta waayo, waa meeshii ay ku kala baxayeen. Waxa wadanku Qaran horumarsan ku noqonayaa iyadoo la daryeelo dadka naafada iyo agoomaha iyo dadka jilicsan Waa in ciidamada la daryeelo nabadgalyada ilaalinaya oo la siiyo wax ku filan.

Waxa wadankani Qaran horumarsan ku noqonayaa marka loo sameeyo waxbarasho tayo leh oo ilaa heer jaamacadeed ah oo tayo leh. Waxa wadankani Qaran horumarsan ku noqonayaa marka loo sameeyo adeeg caafimaad oo dhameystiran caasimada ilaa gobolada iyo degmooyinka.

Waxa wadankani qaran horumarsan ku noqonayaa iyadoo badda ballaadhan ee eebe inagu maneystey khayraadkeeda laga faa?iidaysto oo umada loo jiheeyo xagga badda, waa hilib darey ah oo wax baad iyo biyo aan kaaga baahnayn isla markaana umad badani shaqo ka heleyso.

Waxa qarankani qaran horumarsan ku noqonayaa in loo sameeyo nidaam hanti dhawr oo cadaalad toosni, aqoon iyo dhexdhexaadnimo ah, kaas ayaa nabad galinkara hantida umada iyo ilaalinteeda.

Waxa wadanku ku horumari karaa si aan loo cabudhin dadka aan ku qanacsaneyn hogaanada saddexda xisbi qaran in la furo xisbiyada ama loo gelo tartankii golayaasha degaanka si mudadiiba ay u soo baxaan sadex xisbi ee ugu codka badani.

Waa in loo furo si cilmiyeysan oo hay?adaha ay khuseyso ay ka baaraan degaan Furis la?aanta ururada siyaasadu waxay keenaysaa laba arimood in la duudsiyo xorriyada distooriga ee qofka ee ah inuu wax dooran karo lana dooran karo iyo in aynu ka hortagno, in qofku isticmaalo dariiq khaldan oo uu wax ku doonayo marka xoriyadiisa siyaasiga ah laga qaado.

Waxa qarankani qaran horumarsan ku noqonayaa si loo ilaaliyo meelaha ay ku faanto Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid tahay dekada Berbera in loo gurmado, oo loo sameeyo qorshe balaadhan oo lagu hor marinayo, iyadoo lagala tashanayo dadka ku haboon.

Waxaan umada ugu baaqayaa in la hagaajiyo goloyaasha deegaanka oo loo doorto dad tayo, aqoon, iyo daacadnimo leh.

Waxaan ku talin lahaa in taariikh umada loo qoro oo xil dawladu iska saarto oo lagu daro manhajka waxbarashada.

NIN XILQAADAY EED  QAAD

Ilaahay hayna waafajiyo siduu khayr ku jiro

Sh. Aadam X. Maxamuud Xirsi ( Aadan siiro )