Sheekh Aadan-siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Xasuuqii Ka Dhacay Deegaanka Gaashaamo

0
512

Hargeysa (Geeska)-  Sheekh Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xasuuqii Ciidammada Kililka Shannaad ee Itoobiya u geysteen Dadkii Maatida ahaa ee ku dhaqnaa deegaanka Jaamac Dubbad ee Degmada Gaashaammo ee Gobolka Jarar.

1

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Xasuuqaasi oo lagu dilay Dad ka badan 40 uu barbar dhigay Dilal ay hore Ciidammada Itoobiya uga geysteen Deegaannada ku teedsan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, isagoo arrimahaa ku tilmaamay cawaaqib Xumo soo waajahday Shacabka dhibaatadaasi loo geysanayo oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dagaal baa ka dhacay Duleedka Xarshin, waxa lagu laayey Dumar iyo Maati badan. Dagaal baa ka dhacay Laanqeyrta Hawdkeeda, waxa lagu laayey Dumar iyo Carruur. Dagaal baa ka dhacay Kaam-Abokor iyo Hawdkeeda, waxa lagu laayay Carruur iyo Dumar. Dagaal aan kan ahayn baa ka dhacay Gaashaammo waxa lagu laayay Carruur iyo Dumar, Dagaal ka dhacay Hawdka Dhoqoshay isagana waxa lagu laayey Dad badan oo maati ah. Dadka halkaa lagu laynayaa waa Dadkii Reer Somaliland, markaa waa maxay qorshaha aynu ka leenahay Xuduudkii Ingiriisku sameeyay ee Dadkeenu deggan yihiin, hadday tahay Xukuumadda, hadday tahay Madax-dhaqameedka, hadday tahay Dadka Aqoonta iyo Hal-abuurka leh iyo hadday tahay Dadka waxna xidha, waxna gunta. Qorshaha wanaagsan ee aynu leenahay waxa weeyaan in Dadkaasi yihiin Dadkeenni. Qorshaha aynu ka leenahay waa in Dadkaasi ay Dadkeennii yihiin oo aynu la qaybsanno dhib iyo Dheef. Xukuumadaha iman doona iyo dhammaanteen waxa innagu waajib ah inaynu Dadkaa ugu fikirno sidaynu ugu fikireyno Guryaha Hargeysa, Guryaha Ceerigaabo iyo Guryaha Boorama.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Rasuulku wuxuu yidhi ha dilina Carruurta iyo Dadka Waayeelka ah, Geed Dadku Hadhsanayaana ha jarina ayuu Rasuulku yidhi (SCW)..hadda waa Dad Gaalo ah kuwa la leeyahay ha dilina, maxaad u maleyn Dad Muslimiin ah oo Deggan halkii ILAAHAY ku abuuray. Markaa Caqli iyo Sharci ba maaha wax la Aqbali karayo maaha in Dad maati ah la laayo, in la laayo Dumarka, in Hantidooda la qaato maaha Dadkaasi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xukuumadda waxaanu ugu baaqeynaa in la keeno Qorshe ku dhisan Siyaasad, Aqbali kari mayno in Maalin walba la yidhaahdo intaas oo Qoys baa Dad Labisan (Dharka Ciidanku) ayay Dilayaan. Qabaa’ilku markay dagaalamaan waa in si Caddaalad ah loo xalliyo, laakiin waxaanu ka hadlaynaa Nin Direys xidhan oo Dadka Guryahooda ku leynaya isagoo Magac Dawladeed Isticmaalaya.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Waxyaabaha Jihaadka loo banneeyay waxa ka mid ah marka la laayo Dadka Maatida ah ee Carruurta iyo Dumarka ah, Sannad kasta ma waxaynu sugnaa Afartan Dumar ah baa la dilay, Sannad walba ma waxaynu sugnaa Tuulo ayaa la gubay oo Dad la labisan oo Magac Dawladeed baa Dadkii laayey, waxaanu leenahay Qabaa’ilka ILAAHAY baa is baday oo ma kala guurayaan ee Mid walba waa inuu Dariiqiisa yaqaannaa.”