Sheekh Aadan-Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Go’aanka Dib Loogu Celiyay Hablo Dhaqan-celis Ahaan Looga Keenay Qurbaha

0
495

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa si adag uga hadlay isla-markaana Tallaabo Qaranka Ceeb ku ah ku tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay Dalalka Qaaradda Yurub dib ugu celiso Hablo yaryar oo Waalidiintoodu Hargeysa u keeneen inay bartaan Diinta iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa Toddobaadkii hore Dugsi Waxbarasho oo Hargeysa ku yaalla kala baxday Hablo Da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20 Sano jir, kuwaasi oo markii hore Waalidkoodu Dalka u keeneen Dhaqan-celis ahaan, ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah Hablahaasi oo Goobta ka baxsatay ay Internet-ka ku gaadhsiisay Dalkii ay dhalashadiisa haysatay Farriimo ah in lagu dhibaateeyo Goob Waxbarasho oo ku taalla Hargeysa, taasina sababtay Faro-gelin Dibadeed oo Xukuumadda Somaliland ku riixday inay Hablaha kala baxdo halkaasi isla-markaana qaarkood dib ugu celiso Dalalkii markii hore Waalidkoodu ka soo kaxeeyay.

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Doraad ku soo hadal-qaaday Arrinta Hablahan, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland ay Hablaha yaryar kala dooransiisay ka ay raacayaan Waalidkooda iyo Masuuliyiin ka socday Dalalkii laga keenay oo Hargeysa yimid, waxaanu Sheekhu Go’aanka Xukuumadda ee Arrintaasi ku saabsan ku Macneeyay Ceeb.

Sheekha oo Arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Hargeysa la keenay-baa la yidhi Hablo, waxaana looga furay Iskuul, hablahaa waxa keentay Inan ka mid ah Dadka Dalka u dhashay, Habluhuna waxay ahaayeen Hablo Dalka loo keenay Dhaqan-celis. Sidaan Wararka ku helayna Qaabka loo maamulay muu ahayn Qaab qurux badan (intii ay Boodhinka lagu hayey), laakiin dhacdada ka sii layaabka badan waxa weeyaan Gaaladii Dalalkaa (ay Habluhu ka yimaaddeen) oo dhan baa Hargeysa yimid, Gaaladaasi waxa leeyihiin (yidhaahdeen) Hablahani way nala soo xidhiidheen, markaa waxaanu doonaynaa inaanu ku celinno Dalalkayaga ay

Baasaaboorradooda sitaan. Waxa igu Maqaalo ah in Masuuliyiin Dawladda ka mid ahi yidhaahdeen waxaanu Hablaha kala dooransiinaynaa inay Gaalada raacayaan iyo Inay Waalidkooda raacayaan. Inanta yar ee ku kortay Nolosha Khayaaliga ee Nimankaasi (Reer Yurub) samaysteen (maxay odhan markaa). Marka horeba dedaal-baa (Waalidku ku keenayHablaha), markaa Adeer Qaabka lagu keenay ha khaldanaado ama ha saxsanaado’e, waxa la is lahaa wanaag iyo dhaqan haka soo helaan (Markii Dalka la keenayay), markaa Anigoon difaacaynin Dadkii hayey oo la leeyahay qaabkay Hablahaa u hayeen Qaab qurux badan muu ahayn, waxaan ka hadlayaa ta Culimada u taalla, ta Waddanka u taalla ayaan ka hadlayaa, ta kuwan Masuuliyadda qaaday u taalla ayaan ka hadlayaa.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inaan la Aqbali karin in Hablaha yaryar oo aan Waalidkooda Gacmaha laga gelin, lagu wareejiyo Masuuliyiin ka socda Dalalkii laga keenay oo Hargeysa yimid, “Maraykan ha ahaado ama kuwa Cirka ka soo daata ha ahaadee wax la Caqbali karayo maaha in Hablaha lagu yidhaahdo ma Waalidiintiina ayaad raacaysaan mise kuwaas ayaad raacaysaan (Gaalada).? Bal Ilmaha yar ee Yurub iyo Maraykan laga keenay, ee Dalka Dhaqan-celin loo keenay, ee aan ku qanacsanayn halkan Waalidku ula soo cararray, haddaad tidhaahdo ma kaasaad Raacaysaa mise Halkan baad joogaysaa, dee jawaabtii waa la hayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leeyahay Waar Dalka ha ceebaynina, Caqli iyo Sharci ahaana ma aqbalayno, Ummadduna lama qabto Arrintaa (Xukuumadda). Arrin Culimada iyo inta dareenka lihi la qabto maaha.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, wuxuu sheegay inay ahayd in Xukuumaddu inta aanay Hablaha ku wareejin Dalalka ay Dhalashooyinkooda haystaan ay Waalidkoodii Dalka ugu yeedhaan intay ka bixiso kharashka ay Dibadda kaga soo safrayaan, “Haddii Carruurta Waalidkooda loo yeedhayo Xitaa kharashka idinku bixiya (Xukuumaddaay) oo Qof walba Waalidkiisa doona oo Dalka ha yimaaddo, Lacagta Tigidhada ee aad bixinaysaan ma idinkaa leh.? Ummaddaa leh Hantida ay hayaan oo dhan, ku bedbaadiya Carruurtiina, ka dibna Carruurta Gacanta ka geliya Waalidkiisa, markaa Waalidku ama Yurub haku celiyo ama Tuuladii Aabbahood ku dhashay ha geeyo Carruurta. Hadday Dawladdu leedahay ma awoodno 22 Tigidh oo Waalidka Carruurtaasi Dalka ku imanayo Annagaa Ummadda uga ururrinayna, laakiin ilamaha (in aanay Awoodeyn Dawladdu) waar waad awoodaysaan ee Tigidhada (Diyaaradda) bixiya oo Waalidka u yeedha, Carruurtooda ha u caqli celiyaan.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu walaac ka muujiyey in Hablaha Dib loo celiyey ay Waalidkooda ka dacweeyaan Dalalka ay Dhalashooyinkooda haystaan, “Waxa ka daran Waalidkaa Miskiinka ah ee laga yaabo inuu Yurub ka shaqeysanayo waxa laga yaabaa in Ilmahaasi (Marka la celiyo) uu Ashkateeyo oo qaarkood 20 ama 30 Sannadood loo jaro (Xabsi), Waayo? imikaba iyagaa Carruurtu warka gudbiyey.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inaan la Aqbali karin in Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka mid ahi Hablaha kala dooransiiyaan inay raacayaan Waalidkooda iyo in kale, “Wax la caqbali karayo maaha inta Wasiirro soo fadhiistaan inay Carruurta ku yidhaahdaan Haddaad Gaalada raacaysaana diyaar baanu u nahay, haddaad Waalidkiina raacaysaana diyaar baanu u nahay.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu cambaareeyay isla-markaana aad uga soo horjeedsaday Hablahan oo 12 ka mid ah la sheegay in Jimcihii doraad laga dhoofiyey Magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Dalalka kala ah Ingiriiska, Denmark, Maraykanka iyo Finland.