Sheekh Aadan-Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Bandhig-dhareed Lagu Qabtay Hargeysa, Xukuumaddana Baaq U Diray

0
649

Hargeysa (Geeska)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Amhiyadda ay leedahay in ILAAHAY loogu Mahad-naqo Nimcooyinkiiisa uu inna siiyey, maaddaama oo ILAAHAY (SW) uu inoo sheegay in Addoomada ugu Mahad-naqa Nimcooyinkiisa uu u kordhinayo.

Sheekhu waxa uu sheegay in markii ILAAHAY Raxmaadkiisa inoo shubay loogu mahad-naqay in Caasimadda Hargeysa lagu qabto Bandhig-dhareed uu sheegay inuu yahay Dhaqan Xun oo meel kale looga soo waariday Shacabka Muslimka ah ee Reer Somaliland, waxaanu ku taliyey in lala dagaalamo arrimahaa oo noocaas oo kale ah.

Sheekha oo ugu horeyn ka hadlaya Macnaha SHUKRIGA ayaa yidhi “Shukriga aad ILAAHAY ku Shugriyeyso (Wuxuu ku siiyey) maaha inaad Afka ka tidhaahdo, waa inaad tidhaahdo waxa Mahad leh ILAAHA Xornimada na siiyey. Laakiin innagu ma samaynay Shugrigii la innaga rabay ? Maya, waxaynu noqonay in innaga oo soo wada taagan aynu koox yar oo kooban aynu ku wareejinay Dalku wuxuu khayraad lahaa. Waxaan uga jeedaa markaad eegto Hab-dhaqankeena miyeynu ka jawaabnay Kalmaddii Shugriga oo aynu muujinay, maynaan Samaynin weeyaan. Shukrigu waxa weeyaan inaad Wanaagga garato oo aad fidiso, sidaas ayay yidhaahdeen Culimadii Khayrka badnaa ee Diinta Fahmay. Innagu Shukriga maxaynu u naqanaa ? Nin laga yaabo inuu Hargeysa badhkeed qaatay ama Hantidii Ummadda oo dhan ku Shubtay in Xaflad weyn loo qabto la yidhaahdo Shahaado Sharaf baa la siinayaa, Dadkuna Sacabka u tumaan.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Xornimadu waa Qaali, inaad Xor noqoto oo aanay jirin Cid ku gumaysataa waa wax ILAAHAY lagu mahadiyo. Kuwa gelaya Heshiis aan laga fiirsan oo Cidda ka dambaysa aanay garanayn, Ummaddan Raadka uu ku yeelan doono aan la garanayn, Xornimadooda inta uu yeelayo aanay garanayn ayay galeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “ILAAHAY Raxmaadkiisii wuu inoo shubay, inkasta oo Gobollada bariga oo dhibku u badnaa aan sidii aynu doonaynay aanu weli uga da’in, laakiin sidaynu ILAAHAY Uga baranay wuu imanayaa Roobku, laakiin inteennii Beystaynada haysatay ee Hargeysa ku noolayd maxaynu keenay ? (New Fashion Styles) ama in  la yidhaahdo waxaanu Carruurta baraynaa Qaabka loo xidho Dharka, Mahad-naqii ILAAHAY waxaynu ku beddelnay in la inna isticmaalo oo Dad shaqeynayaa yidhaahdaan waxaanu ku baranaynaa Qaabka Dharka loo xidho, Waayo? Dunida Muslimka ah qaababka loola dagaalamo (Dhaqankooda) waxa ka mid ah in la yidhaahdo waxaanu idin baraynaa qaabka Dharka loo xidho. Afar Inan oo yaryar oo Mashruuc sita (Weeyaan), waxaan aad ula yaabay siday Ummadda Caqligooda u (caayeen), waxay yidhaahdeen Lacagtii aanu ka ururinay (Bandhig-dhareedka) ayaanu Abaaraha ku

caawinaynaa….dhammaanteenna waxay innaga soo qaadeen Doqmo aan ogeyn waxa la kala macaashayo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday in Nebigeenna Muxamed (CSW) uu inna baray qaabka Dharka loo xidho, “Iska Daa’ in la inna baro Dharka sida loo xidhee, Islaamku wuxuu inna baray Suuliga markaad galayso sida loo gelayo, waxa la inna baray Qaabka aad ula kulmayso Xaaskaaga (Ducada aad akhriyeyso) iyo sida ugu habboon. Waxa la inna baray Dharka aad xidhanayso halka aad ka bilaabayso oo ah Midigta, waxaas oo dhami waxay ku sugan yihiin Sunnaha Nebiga (CSW). Sidaa darteed Xukuumadda, Madax-dhaqameedka, Dadka wanaagsan iyo inta Wanaagga u ololeysa waxaanu kula talinaynaa in Dhaqanka noocaas ah ee la doonayo in la inoo soo waarido in lala dagaalamo, oo si Caqli iyo Xikmad ku dhisan loo joojiyo.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu u Mahad-naqay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo dhawaan si adag uga hadlay Bandhigga Dharka ee dhawaan Hargeysa lagu qabtay “Waxaan u Mahad-naqayaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada Hal-doorka ah ee reer Somaliland oo si wanaagsan uga hadlay Arrintaas, si wanaagsanna u taxliiliyey, isagana waxaanu leenahay ILAAHAY hakaa Abaal-mariyo, Waajib badan oo Culimada saarnaa ayaad ka ridday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Dadweynaha ku canaantay in aanay Masuuliyad iska saarin bannaynta waddooyinka, isagoo tusaale u soo qaatay waxa dhici kara haddii Dab ka kaco Suuqa Waaheen ee Hargeysa, kaasi oo aan lahayn Waddooyin Dab-damisku mari karo.

Sheekhu wuxuu Dawladda Hoose ugu baaqay inay Waddooyinka banneeyaan “Dawladda Hoose waxaanu kula talinaynaa inay Waddooyinka banneeyaan…” ayuu yidhi.