Sheekh Aadan Siiro Oo Ku Baaqay In La Helo Somaliland La Wada Leeyahay Iyo Jawaabta Uu Suldaan Xasan Ka Bixiyay

25
2649

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ku taliyay sida ay muhiimka u tahay in la helo Somaliland la wada leeyahay, laakiin Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, ayaa hadalkaas Sheekh iska weydiiyay su’aal.

Sheekha iyo Suldaanka oo shalay ka qayb galay munaasibad lagu furay hoteelka Grand Royal oo Hareysa laga furay, ayaa waxa uu Sheekhu ugu horayn yidhi “Waar Nabada ha la ilaaliyo,Nabadaasi ma soconayso haddii wax la wada yeelan waayo, Somaliland oo wax wada leh, oo cadaalad lagu dhaqay, loo wada siman yahay oo aanay cidi ka maqnayan, khayraadka, taladda iyo wax walba ayey nabadgalyadu ku sugnaanaysaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Laakiin Suldaan Xasan oo isna hadalkaas Sheekha u muuqda inuu daba socdo ayaa yidhi “Kalmad igu soo noq-noqnaysa baryahan, oo ilaa saddex qof ka maqlay Somaliland ma la wada leeyahay, waxaan la yaabay waar Somaliland goorma ayaa la kala yeeshay, Somaliland yuu muran kaga jiraa in la wada leeyahay, 30 sanno ayey maraysaaye, yaa ka maqan, waa waxyaabaha is weydiinta leh, midhkaasi wuxuu iga xan-xanteeya dhagahayaga,dhagahaygu aad bay u da-dafeeyaan, Somaliland waa la wada leeyahay, cid ka maqana ma jirto, waxa la qarameeyey 1991, 92, 93, 94, xiliyadaas oo kale ayaa la is weydiinayey Beel heblaayo may ka maqan tahay meesha, maanta su’aal inoo taala maaha taasi, hadalada noocaas oo kale ah dalku uma baahna, waa la wada leeyahay Somaliland daraf ilaa daraf, waa isku xuquuq waa mid, wey midaysan tahay, ee ninka kale ee wax kale og isag ayaa sheegi”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here