Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Sakada Iyo Is Casilaadda David Cameron

0
537

Hargeysa(Geeska)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay Sakada oo sideeda loo bixiyaa iyo doorka ay qaadan karto haddii la mideeyo oo Dadka Muslimka ah ee Baahan si qorsheysan loo siiyo.

1

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Nidaamka Dhaqaale ee Islaamku jideeyay, kaasi oo Zakada iyo Sadaqadu Saldhig u yihiin, waxaanu tilmaamay inay muhiim tahay in Masaajiddada ku yaalla Hargeysa Guud ahaantood laga bilaabo Qorshe Dhaqaale loogu Abuurayo Dadka baahan, kaasi oo ah in Qof kasta uu Jimce Walba Masaajidka uu ku tukado geeyo Kun Shilin oo Lacagta Somaliland ah, kaasi oo marka la isku Geeyo Baahi tiri kara Dadkeenna Baahan.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, oo ugu horeyn ka hadlaya Muhiimadda Islaamku siiyey Zakada iyo Sadaqada, ayaa yidhi, “Islaamku waa Nidaam Dhamaystiran oo aan u baahnayn Yurub,  Maraykan iyo kuwaa Mujrimiinta ah wa uga soo waaridno. Nidaamkiisa dhaqaale waxa ka mid ah Zakada iyo Sadaqada, iyada oo aanay Jirin Khayraadka ay Maanta haystaa Muslimiintu, ayaa Dalalka Muslimiinta laga waayay Qof baahan oo ku dhex jira markii Nidaamka Zakada sidiisii loo raacay. Muslimiintu waxay gaadheen in Wakhtigii Cumar Binu Cabdicasiis inay Afrika la keeno Sakada oo la iibsado Dadkii la Addoonsanayey, markaasaa la Islaamin jiray, markii la waayey Cid kale oo Sakada la siiyo, kaasina waa Nidaamka Dhaqaalaha ee Islaamka.”

Sheekhu waxa kale oo uu ku Taliyey oo uu soo jeediyay Nidaam wax lagu tari karo Dadkeenna baahan, “Waxaynu hore u soo jeedinay in 485-ka Masjid ee Hargeysa uu Qof Walba Jimcaha ku soo talo-galo kun Shilin oo Somaliland ah, hadda Doollar Maaha, dabadeedna aynu Sanduuq Samayno, dabadeedna Masaajid walba uu ku fillaado Jaarkiisa ee ugu jilicsan. Islaamkuna wuxuu tilmaamay in Sadaqada laga bilaabo Riximka, Waayo? ILAAHAY Dadka wuxuu ka dhigay Qabaa’il..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Sidii Asxaabadii Rasuulku iskaga kaalmaysan jireen dhibaatooyinka soo waajaha, sida Abaraha, “Marka uu Dagaal ku dhaco ee Rag kaga dhinto ama Abaaro ku dhacaan (Saxaabada) Taajirkooda iyo Faqiirkoodu waxay meel iskugu keeni jireen waxay hayaan, markaasay si siman u qaybsan jireen, Rasuulkuna (CSW) wuxuu yidhi kuwaasi ka mid baan ahayn, iyaguna waa iga Mid. Kaasina waa Nidaamka Islaamku eenay, halka Innaguna Gurmadka Abaaraha ku galeynay Gaadiid Laanguruusallo ah oo Qiimahoodu yahay $ 70 ama 80 kun ah oo Ummaddu leedahay ‘Subxaannallaah’, iyadoo laga yaabo in waxaad qaybinaysaana yihiin 5 Kun, 6 kun ama 10 Kun oo dollar. Hargeysa maxaynu uga baahannahay Gaadiidka LandCruiser ah waaba 12KM inta laga adeegtaaye, markaa haddaynu iibinno LandCruisers-ka Ummaddu leedahay oo keliya Lacagtooda waxaynu Jaamacadaha kaga saari lahayn dhallinyaradaa wada leelleelaysa. Iyadoo Dadkeennu Bakhtiyayaan ayaa lagu tartamayaa Waxaad ogtahay ee (Hantiya), kuwa Taladaa hayaa waxay ku tartamaan Salladaha, Baabuurta, iyadoo Somaliland oo dhan la soo ootay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu intaa ku daray oo uu dhaliilay Nidaamka Xisbiyada badan ee Somaliland ku dhaqanto, kaasi oo uu tilmaamay inuu Dalka Wareer u horseeday, “Imika waxay innagu abuureen Xisbiyo aynaan garanayn, halkii ay ka ahayd in Qabaa’ilka uun la wanaajiyo, maaddaama Qabaa’ilku yihiin Xisbiyo ILAAHAY Sameeyay. Waxaynu isku soo rarnay Xisbiyo aynaan garaneyn, dabadeedna way nagaa Wareernay ee Dawakhnay.”

Sheekhu waxa uu is barbar-dhigay hab-dhaqanka Xisbiyada ka jira Dalalka Islaamka ah ee Somaliland ka mid tahay iyo kuwa Dalalka Gaalada, gaar ahaan Ingiriiska, “David Camaron oo ah Gaal Da’diisu ka yar tahay Konton jir si uu Dalkiisa u badbaadiyo una ilaaliyo waxay ku heshiiyeen wuxuu ballan-qaaday inuu Iscasilayo, maaddaama oo Dadweynaha Ingiriisku u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub oo uu isagu diiddanaa in laga baxo. Kuwa Muslimiinta hoggaamiyeyaana waxay yidhaahdaan aan Xoog idiinku soo hoggaamiyo.” Ayuu yidhi, Sheekh Aadan, waxaanu intaa sii raaciyey, “Dadkii Oromada ahaa ayaa Dalka aad ugu soo batay, iyadoo Dadkii Waddanka u dhashay oo Baahi badan hayso ku haya dhib badan, sidaa daraadeed waxaanu Xukuumadda kula talinaynaa in Go’aankii ay hore u qaateen soo celiso oo si la taaban karo wax uga qabtaan.”